Laacibka Leo Messi Oo Kubad Looga Yaabsaday (DAAWO YAABKAN)

Thursday 15 November 20120 comments

Argentina(Hablaha.com)- Xiddiga Qaranka Argentina iyo kooxda Catalonia Fc Barcelona Lionel Messi oo heeysta abaalmarinta Laacibnimada Dunida ayaa waxaa loo keenay ama la baray Wiilasha ugu Kubad mooleeysiga badan Caalamka.

Dhalinyaradaan oo lagu kala magacaabo Jayzinho iyo Andrew Henderson waxaa soo xushay (EA) Sports FIFA STREET waana Wiilal Kubada ama Banooniga aanan si sahal ah looga qaadi karin kuwaas oo inta badan ku dheela Ciyaarta Niikada.

Dhalinyaradaan oo aad ugu faraxsan in si LIVE ah loo baro ama loo geeyo Ciyaaryahan Leo Messi ayaa ugu dambeeyntii waxa ay dhexda gashteen Ciyaaryahan Lionel Messi kuwaas oo korkiisa ku dhiibay Paasas cajiib ah oo Messi qudhiisa ka yaabsaday.

Wiilashaan oo Lacag ku helo Xayaysiinta The Video Game EA Sports FIFA STREET gaar ahaan Barnaamishka qaaska ah ee (Show Me Your Skills) ayaa iminka waxa ay markii ugu horeeysay xaqiiqada tuseen Ciyaaryahan Leo Messi oo isku heeysan jiray in uu yahay Shaqsiga ugu farsamada badan Dunida dhanka Koontaroolka Kubada .

Halkaan ka Daawo


Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved