Hablaha Ku Dhiban Isfahamka Ninka Qaraabadiisa, Oo Xal Loo Helay. (Sir Culus)

Wednesday 14 November 20120 comments


Waxaa jira dooq badan oo ay leeyihiin 
dadka Soomaalida taas oo ay ku xushaan lamaanahooda mustaqbalka gaar ahaan marka ragga ay soo xulanayaan gabadhaha waxaa ay qaadaan dariiqooyin kala duwan.



Haweenka xaasaska ah ayaa waxaan usoo gudbinaynaa 10 qodob oo hadii ay si dhab ah u dhaqan galiyaan kasban karaan hooyada ninka aad u dhaxdo dhashay Xiriirkoodana ka dhiga mid joogto iyo wanaag ku dhisan,
Gabadha aan xiriirr wanaagsan la’lahayn hooyada wiilka ay u dhaxdo waxaa ay ku kasbankartaa wax yaabo farabadan oo ay ugu horeeyso :

1-Marka hore weeydii saygaaga wax yaabaha ay jeceshay hooyadii iyo waxa ay dhibsaneyso.

isku day in had iyo jeer aad weeydiiso ninkaaga waxa ay ku saamoobi karto hooyadii oo ay jeceshahay ,ra’yigaaga ha ka hadlin ee tixgali waxa uu kaaga sheego hooyadii ,taasi oo ay suura gal tahay in xiriir wanaagsan aad ka dhaxasho.

marka aad soo ogaatay waxyabaha ay jeceshay waxaakale oo muhiim ah in aad ogtahay waxyaabaha ay dhibsaneyso si aad uga fogaato.

2-U iibi Hadiyado :


Waxaa dabiici ah in aad u qadarinasyo qofka kuu soo martiya isaga oo waliba gacmaha kuwado hadiyado uu kuugu tala galay ,hooyada dhashay ninka ku qabo waa ay ku jeclaan doonta dhabtii haddii aad u ii biso hadiyado aad ogaatay in ay jeceshahay iskuna day in aad kaga faa’iideeysato aragtidaasi wax yabaha ay jeceshahay

3-Labiso Dhar aad u qurux badan :

Labiso dhar aad u bilic wanaagsan marka aad ku booqanayso hoyga ay dagan tahay ,ha ku aadin hoyga sodogtaa adigoo labisan dhar qaali ah ,tintaada u shalee si qurux badan qari dhammaan ceebta jirkaaga uu leeyahay yeeysan kaa helin dul duleel ay kala hadasho oo ku sabsan ceebtaada

4-Aqbal afkaarta kaaga imaanaysa dhankeeda :

Hooyadu waxa ay wax walba u sameeysaa in wiilkeeda ay ilaaliso marka iska ilaali in aad weeydiiso su’aalo ay ka mid yihiin see waxaan ugu karisaa ama kuwo la’mid ah waa in aad ku ammaanta dhammaan waxa aad kala kulanto, qaadataan qaar ka mid ah tilmamaha ay ku siiso

5-Noqo Gabar Edeb leh :

Haddii aadan awoodin in aad ku aamaanto waxa aad kala kulan ugu yaraan afgaabnoow oo ka amus ,hadalka haka boobin hana kula doodin wax aan wax macno ah lahayn

6- La’xiriir :

Xiriir taleephon la samee hooyada wiilka ku qabo mar walba hana ka sugin in ay iyadu ku soo xiriiriso xiriirka aad la’sameeyneeyso waxa uu u noqonayaa halbeeg wanaagsan oo ay aad ugu faraxdo.

7-Tashi la’samee :


Wada tashi la’samee oo weeydii su’aalo dhoor ah maxaa yeelay waa ay ku farxeeysaa su’aalahasi aa dweeydiisay.

8-Ka dhig qofka ugu wanaagsan :


sikastoo oo khilafaad kaala dhexeeyo u muuji in ay kaa toosan tahay ku dheh adaa saxan qaladkana waa aniga ,waxaad muujisaa wanageeda xiliyada kulamada qaraabada ay isuku yimaadaan

9-Siwanaagsan ula dhaqan seeygaaga xiliyada ay idinla joogto hooyada dhashay wiilka ku qabo :

Fursada ugu wanagsan ee aad ku kasban karto kalsoonida hooyada dhashay ninkaaga oo aad ku guuleysan karto xiliyada ay martida idiintahay hooyada seeygaga

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved