Kooxda Milan Oo Sarre U Qaadeysa Isku Daygeeda Ay Kaga Adkaaneyso Kooxaha Chelsea Iyo City Saxiixa Guardiola.

Wednesday 14 November 20120 comments


AC Milan ayaa sarre u qaaday isku daygeeda ay kaga badineyso kooxaha Chelsea iyo Manchester City saxiixa Pep Guardiola.


Wargeyska Daily Mail ayaa sheegaya in madaxda San Siro ay u doonayaan in tababarihii hore ee Barcelona uu noqdo tababarahooda xiga.

Tababaraha haatan Massimiliano Allegri ayaa cadaadis sii kordhaya ku hoos jira ka dib markii Milana y xilli ciyaareedkan ku bilaabatay Serie A si liidata.

Waxaana Guardiola uu yahay dooqa ay inta badan isku raacsan yihiin madaxda Milan, iyadoo qaar badan oo ka mid ah ayba doonayaa inuu majaraha u qabto Milan sida ugu dhaqsiyaha badan bisha Janaayo.

Madaxweyne ku xigeenka Milan Adriano Galliani ayaa si cad u taageeray Allegri isniintii, laakiin hadalkiisii taageerada ahaa waxa uu raaciyay: ‘Waa iska cadahay inaanan faraxsaneyn.’

Guardiola, oo bartanka kaga jira 12kiisa bilood ee uu ka nasanayo kubada cagta ayaa mar walba ku celcelinayay inuusan soo laaban doonin ka hor xilli ciyaareedka soo socda.

Laakiin kooxda Talyaaniga ayaa dooneysa inay si dhaqso a ugu dhaqaaqdo madaama ay doonayaan inay kaga adkaadaan saxiixiisa kooxaha Chelsea iyo Manchester City, kuwaasoo xiiso u haya Guardiola.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved