Ibrahimovic Oo Ugu Baaqay Steven Gerrard Inuu Ka Tago Kooxda Liverpool Iyo Horyaalka Premier League Sababtu Maxay Tahay???

Wednesday 14 November 20120 comments


Kabtanka Sweden Zlatan Ibrahimovich ayaa aaminsan in la joogo waqtigii saxda ahaa ee kabtanka England Steven Gerrard uu ka tagi lahaa Liverpool islamarkaana uu ku biiri lahaa koox weyn oo heer caalami ah.


Ibrahimovich ayaa si aad ah u taageera ciyaaryahanka khadka dhexe kaasoo caawa ciyaari doona kulankiisii 100aad ee England, kuwaasoo ciyaar saaxiibtinimo kula balansan garoonka cusub ee caawa la furayo ee Friends Arena ee magaalada Stockholm xulka Sweden. Laakiin waxa uu dareensan yahay inay tahay in Gerrard uu soo gabagabeeyo mustaqbalkiisa Anfield oo muddo ka badan 10 sannadood uu u adeegayay Reds.

Ibrahimovic ayaa yiri: “Waxaan qabaa in Steven Gerrad uu yahay ciyaaryahan Yurub aad looga texgeliyo. Waan ogahay taas sababtoo ah tababare kasta waxa uu ku sheegayaa inaad isaga isha ku heyso madaama uu natiijo keeni karo. Laakiin inkastoo dabcan ay Liverpool tahay koox weyn, waxaan jeclaan lahaa inaan ku arko Steven koox weyn oo horyaal kale ah.”

Xiddiga reer Sweden ayaa intaas ku daray: “Taasi waxay xitaa dan ugu jirtaa England sababtoo ah waa wax aad loogu farxo marka qof uu aado horyaal shisheeye islamarkaana uu soo bandhigo inuu xariif ku yahay xitaa tartan kale. Ani ahaan, ciyaaryahan fantastik ah waxa uu natiijo ka keeni karaa wadan kasta oo uu ka ciyaaro. Waana hubaa in Steven uu sidaas sameyn karo. Haatan waxa uu ka ciyaarayaa mid ka mid ah horyaalada ugu fiican adduunka, waana ciyaaryahan fantastik ah.”

Ibrahimovic ayaa aaminsan in Gerrard uu leeyahay farsamo ka badan ciyaartoyda kale ee England.

“Ciyaaryahan English ah waa mid xoogan, mar walba ku soo galaya, islamarkaana aan isdhiibin. Laakiin aniga ahaan Gerrard waxa uu ila yahay ciyaaryahan heer caalami. Waxa uu leeyahay farsamo ka badan ciyaartoyda caadiga ah.”

Labada nin ayaa caawa isaga horimaan doona Freinds Arena iyagoo kala hogaaminaya xulka England iyo kan Sweden.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved