Cilmibaaris Lasameeyay Ayaa Lagu Ogaaday In Dadka Sida Xad Dhaafka Udaawada TV-ga Uu Cimrigooda Ku Yimaado Gabaabsi..(Aqriso)

Thursday 15 November 20120 comments


Sydney (Habalaha.com) – Cilmibaarista ay soo saartay Jaamacad Queensland ee dalka Australia ayaa lagu sheegay in daawashada badan ee taleefishinka ay keeneyso in waqtiga noloshaada (cimrigaaga) oo soo yaraado.

Daraasada ayaa tilmaameysa in 22 daqiiqo ay cimrigaaga ka go’eyso markii taleefishinka daawato mudo hal saac ah gaar ahaan qofka marka ay da’diisa ka wayntahay 25 sano.

Maalin kasta oo lix saac kamid ah hadii aad daawato TV-ga waxaa cimrigaaga ka go’aya 5 sano, sida ay sheegtay daraasada.

Cilmi baarayaasha sameeyay daraasda ayaa sheegaya in hadii qofka uu si aad ah u daawado TV-ga ay la mid noqoneysa qofka sida aadka ah u isticmala sigaarka ama qofka sida daran u cayilan taaso la ogyahay in caafimaad daro joogta ay sababto.

Cilmi baarayaasha ayaa sheegaya in daawashada badan TV-ga ay jirka ku keeneyso caajis badan, balse taa badalkeeda loo baahanyahay jirka uu shaqeeyo.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved