Hormar: Matoor “Kaadi” ku shaqeynayo oo Ay Soo Saaray Gabdho African ah .+(Sawiro)

Thursday 15 November 20120 comments

Hormarka Qaaraada Afrikka

Lagos (Hablaha.com) – Afar gabdhood oo African ah oo aad u da’yar ayaa markii ugu horeeysay taariikhda aduunka soo saaray matoor ku shaqeynayo “KAADI” sida shidaalka.

Matoorka oo lagu soo bandhigay magaalada Lagos ee dalka Nigeria bandhiga lagu qabtay oo la yiraahdo Maker Faire ayaa waxa hal liitar oo KAADI ah ku shaqyen karayaa mudo lix saacadood ah taasoo ka yaabisay dad badan aduunka daafihiisa ku nool.

Matoorkan oo todobaad kii hore uun la soo bandhigay ayaa waxaa soo saaray afar gabdhood oo African ah oo lagu kala magacaabo Duro-Aina Adebola, Akindele Abiola, iyo Faleke Oluwatoyin kuwaaso da’dooda lagu sheegay 14 sano jir halka Bello Eniola ay ka tahay 15.

Bandhiga Maker Faire waa goob lagu soo bandhiga dadka qaarada Africa waxyaabaha ay alifaan ama soo saaraan waxaana ka qayb gala sanad kasta dad kumanaan gaaraya.























Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved