Gudoomiyaha Xisbi siyasaded oo ka socda Somaliland oo Muqdisho soo gaaray iyadoo lagu wado in la siiyo Xil Misaan Culus leh

Thursday 1 November 20120 comments

Marwo Fowsiya Yusuf Xaaji Ade
Muqdisho(HABLAHA.COM)-Guddoomiyihii Urur Siyaasadeedkii NDP ee ku hadhay Tartankii kala reebista ee ugu horeeyay ee Axsaabta iyo Ururadda Siyaasadda Somaliland Marwo Fowsiya Yusuf Xaaji Aden ayaa shalay soo gaartay magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya.
Foosiya X Aadan wararka laga helayo ayaa sheegaya inay Xamar u doonatay Xil siyaasadeed Miisaan leh, kaasoo aan ilaa hadda si rasmi ah loogu dhawaaqin, balse wararka Hordhaca ah ee laga helayo magaaladda Muqdisho ayaa sheegayain laba xil oo culusi Miiska u saran yihiin, kuwaasoo kala ah Raysal Wasaare ku-xigeenka koowaad iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda dawladda Somaliya.
Marwo Fowsiya Yusuf Xaaji Aden iyo Madaxweynaha Somaliya ayaa la sheegayaa in ay ka wada shaqayn jireen Aas aaskii Jaamacadda Hargeysa, wakhtigaas oo ay Foosiyi Guddoomiye ka hayad madaxweynuhuna Mashruuc Qaramadda Midoobay ku kaalmaynayeen Hormood ka ahaa, waxaana la sheegayaa wada shaqaynta wakhtigaas dhex martay inay sahashay in madaxweynuhu ku xulan doono.
Horay waxa magaaladda Muqdisho u tagay Guddoomiyihii Urur Siyaasadeedkii Gurmad Nuur Faarax Xirsi, waxaana la sheegay in isna Gudoomiyahaan uu yimid isna Magaalada Muqdisho si uu Dowladda Soomaaliya xil uga helo, maadaama wax ka waayay dowlada Somaliland.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved