War Deg Deg Ah HABLAHA.com oo heshay Qaar kamid ah Magacyada iyo Beelaha Golaha Wasiirada Cusub

Thursday 1 November 20120 comments

HABLAHA.COM
HABLAHA.COM oo wali dabagal dheeraad ah ku gashay arimaha magacaabista golaha wasiirada cusub ayaa waxaa ay si hordhac ah usoo heshay magacyada ilaa dhowr wasiir iyo beelaha ay kasoo jeedaan iyo waliba xilalka ay qabanayaan.
 

-Faarax Sheekh C/qaadir Wasiirka Waxbarashada, Hidaha iyo tacliinta sare (Reer Awxasan)

Ra’iisul Wasaare kuxigeen ahna Wasiirka Arrimaha Dibada Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan (Dir/Isaaq)

-Prof Axmed Maxamed Wehliye Xiji Wasiirka Qorsheynta, Beeraha, deegaanka iyo Kaluumeysiga (Hawiye/Beesha Xawaadle)

-Wasiirka Gaashaandhiga Gen. Muuse Xasan Cabdulle (Daarood/Absame/Ogaadeen), waxaa uu ahaa Gudoomiyihii KMG ee Baarlamaanka

-Wasiirka Arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed (Hawiye/H.gidir/Sacad)

Xubnahan shanta wasiir ah ayaa qaarkood waxay yihiin kuwo aad ugu dhow Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana jira wasiiro kale oo kuxigeeno u badan inay ka mid ahaayeen Xisbigiisa PDP.

Wararkii ugu danbeyay ee hada Na soo gaadhaya  ayaa sheegaya in kulamo culus ay hada ka socdaan gudaha madaxtooyada oo ku aadan qancinta beelaha xilalka ka waayay golaha wasiirada cusub oo lagu wada in lagu dhawaaqo saacadaha soo socda.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved