Gabar Soomaaliyeed Oo Sano 18jir ah Oo Aan Waligeed Hadal Hal Eryna Aan Ku Dhawaaqin+(Sawiro)

Tuesday 27 November 20120 comments


Gabar lagu magacaabo Nuurto Isaaq Maxamed oo da’deeda lagu sheegaay 18-sano ayaa eheladeeda oo lahadlay shabakada hablaha.com waxa ay xaqiijiyeen in waligeed aysan hadlin.


Gabadhaan iyo qoyskeeda qaar kamid ah oo barakacayaal ku ah dhismaha Safaaradii hore ee Ingiriiska uu Soomaaliya kulahaa oo kutaala degmada Xamar Jajab ayaa waxa ay ku noolyihiin nolol aad u hooseysa, waxaana walaalkeed oo aan lahadalnay uu sheegay in gabadhaan tan iyo markii ay dhalatay aysan hal eray aysan ku dhawaaqin.



Wiilka ladhshay gabadhaan waxa uu sheegay in ilkaha iyo gowsaha dhamaan ay u soo bexeen intii aysan gaarin laba bilood.



Walaalkeed oo lagu magacaabo Mahad Isaaq Maxamed ayaa waxa uu sheegay in aysan ogeyn wax gabadhooda ay kadaweeyaan inkasta oo gabadha qalbigeedu uusan dhameestirneyn.


Waxa uu intaa kudaray hadiiba ay xitaa daweyn lahaayeen in aysan awoodin maadaama iyaguba ay barakacayaal yihiin.



Gabadhaan oo sidoo kale socodku aad u dhibayo ayaa waxa ay fahmeysaa hadalada dadka iyada oo wax kasta oo loo diro qabaneysa.



Gabadhaan oo hooyadeed ay goor hore dhimatay ayaa wiilka ladhshay waxa uu u sheegay shabakadaan hablaha.com in dadka wax heesta ay kacodsanayaan in ay ku caawiyaan wixii ay u awoodaan.














Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved