Dad Cuuryaamin ah Oo Ku Halaaksamay Dab Kadib Markii Ay Taabteen Batoon Qaldan...

Tuesday 27 November 20120 comments

Magaalada Titisee-Neustadt oo ku taala nawaaxiga magaalada caanka ah ee Freiburg ayaa waxaa ka dhacday Musiibo ka dib markii Guri weeyn oo lagu xanaaneeyo dadka Cuuryaamiinta ah uu qabsaday Dab xoogan oo ugu dambeeyntii dhaliyay dhimashada 14-Ruux. 




Hooygaan oo lagu xanaaneeyo dadka Cuuryaamiinta ah ayaa waxaa ku noolaa 150 Qof oo intooda badan la bad baadiyay inkastoo uu jiro dhaawac aad u fara badan ka dib markii dadka intiisa badan ay ku sumoobeen Qiiqa iyo holaca uu dhaliyay Qaraxaas.



Ciidamada Booliiska iyo kuwa dab-damiska dalka Germany oo si deg deg ah ku so gaaray goobtaas ayaa waxa ay xaqiijiyeen in uu jiro Qof ka tirsan dadka degnaa Hooygaan oo taabtay Batoon qaldan kaas oo dhaliyay Qaraxa iyo dabka qabsaday gurigaas . 


Halkaan ka Daawo dad Cuuryaamiin ah oo Dabka ka baxsan waayay



Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved