Wararkii U Dambeeyay Duufanta Sandy Ee Ku Wajahan Waddanka Maraykanka (Warbixino Iyo Sawirro)

Monday, 29 October 20120 comments

Duufaantii Sandy 

Waddanka Maraykanka waxa ka taagan cabsi ballaaran oo ku aadan dabeesha loo bixiyay Sandy ee ku wajahan gobalada barriga dalkaas.
Madaxweyne Barack Obama,iyo musharraxa xisbiga Jamhuuriga Mitt Romney, ayaa baajiyay olole ay ka sameen rabeen gobaladaas, maadama ay soo dhawaatay doorashada madaxweynaha oo muddo toddobaad uun ay ka harsantahay.
Obama wuxuu ku soo laabtay Washington, waxana uu indhaha ku haya khasaaraha ay geesan karto duufanta xowliga ku socota ee dabeelaha wadata, taasoo hadda xilliga ay ku dhufaneyso gobalada barri ay ka harsantahy waqti yer.
Wuxu baajiyay olale uu ka sameen lahaa magaaladsa Orlando, ee gobalka Florida, sidoo kale wuxuu aadi rabay Isniinta maanta ah gobalka bartama-Atlantic ee Virginia.
Gobalkan wuxuu ka mid yahay siddeed gobal oo ay lee yihiin siyaasiyiinta wax odorasa waxay go’aan ka gaari karaan doorashada dhaceysa November 6 , gobalada saameen xooggan ay leedahay dabeesha Sandy.
Oday ka ku dhex lugeenaya biyo ay dhigtay dabeesha Sandy
Sido kale madaxweyne Obama wuxu baajiyay safar uu ka tagi lahaa Tallaadada berri ah Colorado iyo Wisconsin.
Musharraxa xibsiga Jamhuuriga eee Mitt Romney wuxuu isna baajiyay olale uu ka sameen lahaa gobalka Virginia. Sidoo kale waxa u qorsheesneed Isniinta maan ah Wisconsin iyo labo gobal oo ku yaalla bartamaha dalka Maraykanka sida  Ohio iyo Iowa.
Wuxuu  kaloo baajiyay Maryland iyo degmadda  Columbia.
Oday ka ku dhex lugeenaya biyo ay dhigtay dabeesha Sandy
Si kastaba, dabeesha Sandy ayaa la sheegay in ay sababtay in la xiro  markii ugu horreysay suuqa saamiyadda dunidda ee ku yaalla New York,tan iyo bishii September 11, 2001 markaas oo weeraro argagixiso lagu qaaday.
Maamulka gobalka New York waxa uu daad gureeyay in ka badan 375,000 oo qof ku noolaa magaalada New York
Waxa la xiray iskuulada noocyo kasta oo ay yihiin, dukaamadda iyo sidoo kale goobaha laga raaco tareenada iyo basaska, waxa la joojiyay kumanaan duulimaad .

In ka badan 50-milyan oo qof ayaa la sheegay in ay saameen ku yeelan doonto dabeeshan Sandy, taasoo ah middii ugu weyneed ee soo marta gobaladan muddo sannad ah.
Dabeesha Sandy ayaa Halkii saac waxa la sheegay inay jareyso 150kilmiter,waxay ilaa hadda dishay ugu yaraan 65-qof, gaar ahaan gobalada Caribbean-ka toddobaadkii hore, ka hor inta aysan u wareegin Maraykanka.




Madaxweyne Barack Obama oo la socday diyaarad milatary ah
Madaxweyne Barack Obama oo la socday diyaarad milatary ah





Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved