Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed oo Labo Garab u Kala Jabay Iyo Labo Gudoomiye oo Soo Baxday (Warbixin)

Monday, 29 October 20120 comments


Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed oo ka mid ahaa ururada faa ku tiriska ee ka badbaaday khilaafaadka hareeyay hay’adaha Soomaalida ayaa markii ugu horeysay hadda u kala jabay labo qeybood oo mid waliba leeyahay gudoomiye u gaar ah.
Kulan labo maalmood ka hor haween fara badan ay ku yeesheen hotelka Safaari ee magaalada Muqdisho ayey ku doorteen Ubax Tahliil Warsame oo horey ururka uga mid ahayd inay gudoomiye ka noqoto ururka haweenka ee qaranka.
Ubax Tahliil Warsame Waxay horey gudoomiye uga ahayd ururka Midnimada Haweenka.
Doorashadaasi, sida Ubax Tahliil ay sheegtay waxaa goob joog ka ahaa inta badan golaha dhexe ee ururka oo leh awooda doorashada iyo bedelaada gudoomiyaha.
Ubax Tahliil Warsame waxay horey gudoomiye uga soo noqotay Ururka Midnimada Haweenka oo isaguna ka jira magaalada Muqdisho.
Hase yeeshee waxaa arintaasi ka soo hor jeestay haween kale oo ka mid ahaa ururweynaha haweenka kuwaasoo kulan iyaguna ay ku yeeshay hotelka Naasa Hablood II ee magaalada Muqdisho maalintii shalay.  Kulankaasi ayaa haweenkii ka soo qeybgalay oo isla xubnaha ururka Haweenka Soomaaliyeed ka tirsan iyaguna ku doorteen Batuulo Sheekh Axmed Gaballe, inay gudoomiye ka noqoto Ururka Haweenka Qaranka.
Batuulo Sheekh Axmed
Batuulo ayaa hadal ay saxaafadda siisay sheegtay in xafiiska gudoomiyaha ururka ay iyadu ka masuul tahay, doorashadeedana ay ku timid sharci iyadoo golaha dhexe ee ururkana ay u dhamaayeen, sida ay sheegtay.
Waxay Batuulo intaa ku dartay in haweenka ay u baahan yihiin waxqabad iyaduna ay sidaas isu soo sharaxday maadaama gudoomiyihii hore Caasho Geesdiir ay xilka isaga tagtay kadib dhaawac culus oo bishii Abriil 2012 ka soo gaaray qaraxii ka dhacay Tiyaatarka qaranka ee Muqdisho.
Gudoomiye ku xigeenka ururka Haweenka Qaranka Canab Xasan Cilmi ayaa iyaduna kulankan shalay dhacay ee lagu doortay Batuulo ku tilmaantay mid laga soo tashaday oo sharci ku dhacay.
Ururka Haweenka oo ah urur qaran oo la aas aasay 1977-kii, ayaa hoostaga wasaaradda haweenka iyo qoyska ee dawlada taasoo weli aan loo soo magacaabin wasiir cusub, hase yeeshee sii hayaha xilkaasi Marwo Maryan Aweys oo Raxanreeb ay isku dayday inay wax ka weydiiso tallaabada wasaaradda ay ka qaadeyso khilaafkan iyo isqabqabsiga ka taagan ururkii haweenka ayaa ku gaabsatay inay dhinacyada kulan siin doonaan.
Xubno kamid ah ururka haweenka oo ka gaabsaday magacooda ayaa sheegay in khilaafkan uu salka ku hayo kadib markii ururka ay soo dhexgaleen haween qaarkood dibadaha ka yimid oo xilal baarlamaan soo doontay hase yeeshee waayey kuwaasoo hadda raba inay ururka u adeegsadaan ku gaarista jagooyin siyaasadeed, sida ay sheegayaan xubnahan la hadlay Raxanreeb.
Waa markii ugu horeysay oo ururka haweenka oo ka mid ah ururada bulshada rayidka khilaaf heerkan gaara uu soo kala dhexgalo.  Waxaanadad badan ay sheegayaan in khilaafaadkii lagu yaqaanay ragga iyo kooxaha siyaasadda uu markan u soo wareegay dhanka haweenka iyo ururada bulshada rayidka.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved