Ciyaar amakaag iyo layaab leh ayaa dhex martay Kooxaha ka ciyaara Junorka Paraguay, ayaa 36 Ciyaartoy loo taagay calaamadda casaan kadib marki dagaal dhexmaray dhamaan ciyaartoydii Garoonka ku jirtay iyo kuwii keydka fadhiyay.
Kulankan mucjisada ah ayaa la ciyaaray Todobaadki hore, waxayna u dhaxeesay Teniente Farina iyo Libertad iyadoo shantii daqiiqo ugu danbeeyday cassaan loo taagay Laba ciyaartoy oo labada dhinac ah taasoo rabshadda garoonka ka bilaabatay.
Labada Ciyaartoy markii loo taagay Casaanka ayaa la sugayay inay si toos ah u abaaraan qolka Labiska oo loo si gudbiyo Ciyaartoyda Calaamadda cassaanka loogu abaal mariyo, laakin taasi badalkeeda waxay bilaabeen dagaal garoonka dhexdiisa taasoo sababtay in dhamaan ciyaartoyda labo labo iskula dagaalaan.
“Waxaa ku lug lahaa dagaalkani ka dhacay garoonka, dhamaan ciyaartoyda garoonka ku jrtay iyo kuwa keydka fadhiyaya, qof walba waxuu soo galay garoonka si uu u xaliyo dhibaatada ka aloosantay ciyaartoyda labada dhinac ” ayaa laga soo xigtay gudoomiyaha naadiga Teniente Farina ee Hernan Martinez.
Garsoorihii ciyaarta ayaa iskaga cararay garoonka cabsi darteeda, inkastoo xiriirka aqlaaqda ay sheeciyeen inay ganaax culus kusoo oogi doonaan 36-da ciyaartoy oo ka qeyb qaadatay dagaaladii ka dhex dhacay garoonka dhexdiisa.
Halkaan Ka Daawo Video-ga
Post a Comment