Di Matteo |
Tababaraha Chelsea Roberto Di Matteo ayaa shaaciyey go’aanadii uu gaaray garsoore Mark Clattenburg oo dhexdhexadinayay kulankii ay la yeesheen Man United inay saameyn weyn ku yeelatay guuldaradii soo gaartay kooxdiisa.
Kooxda Blues ayaa loogaga badiyey 3-2 kulan ka dhacay garoonka Stamford Bridge kadib markii kaarka cas loo taagay branislav Ivanovic iyo Fernando Torres qeybtii dambe ee ciyaarta.
Di Matteo ayaan ku faraxsanayn ka saaridii ciyaarta ee Torres kadib markii uu garsooraha uu xukmiyey in uu istuuray isla markaana u taagay calamadii labaad ee hurdiga ahayd inkastoo Jonny Evans uu u muuqday in uu taabtay Torres.
Tababaraha Chelsea ayaa sidoo kale waxa uu aaminsan yahay in goolkii guusha ee Red Devils uu ahaa gool offside ah kaasoo uu dhaliyey Hernandez oo bedel ku soo galay.
Matteo ayaa u sheegay Sky Sports: “ Go’aanadii uu gaaray garsooraha maanta ayaa saameyn weyn ku laha natiijada ciyaarta.
“Wuxuu ka saaray ciyaarta Fernando Torres goolkii saddexaadna waxa uu ahaa offside taasna waxa ay ka dhigtey in guuleysato kooxdii aan la ciyaarnay.
“Torres ayaa kubbada lugihiisa ku haystay wuuna la sii socday balse waa waa la laaday wuuna dhacay. Sidaa ayay ahayd arrinta, waxayna noo ahayd Bullizione ama laad xor ah oo aan heli lahayn iyo weliba kaarka cas oo loo taago Evans sababtoo ah goolka ayuu ku sii jeeday Torres.
Tababaraha ayaa waxa uu ka sii hadlay goolka Hernandez: “Waxaan daawaday dhowr jeer marka uu Rafael goolka dhaliyaayayna waxa uu ahaa taagnaa boos offside ah.”
“Wax walbana waxa ay noqdeen kuwo United guusha siiya taasina runtii aad ayaan uga murugoonay,”ayuu yiri Di Matteo.
“Garsooraha (Clattenburg) wuu fiirsan doonaa ciyaarta ugu yaraana wuxuu garowsan doonaa qaladkii uu sameeyey. Ma bedeli karno natiijada hadda taasina waa dhibaatada ugu badan ee na haysata.”
Di Matteo ayaa aaminsan in kooxdiisu ay fursad u haysatay inay badiso illaa iyo markii kaarka cas loo taagay Torres.
Post a Comment