Lazio ayaa sii murjisay xalaada AC Milan iyagoo 3-2 ku dubtay kooxda dhibtooneysa ee Rossoneri oo marti ku aheyd garoonka Stadio Olimpico.
Kooxda martida aheyd ayaa gool looga naxsaday ka dib dadaal uu sameeyay Hernanes ka hor inta uusan Lazio u labeynin qeybtii hore ciyaaryahan Antonio Candreva.
Miroslav Klose ayaa markaasi ka dib ka dhigay 3-0 bilowgii qeybta labaad, inkastoo Nigel de Jong iyo Stephan El Shaarawy ay Milan goolal u soo xeliyeen hadana waa ku filnaan weysay inay dhibic ka helaan ciyaarta madaama goor hore ay xero iyo fandhaal kala dhaceen.
Alexandre Pato oo bedel ku soo galay ciyaarta ka dib muddo uu dhaawac ku maqnaa ayaana keentay in Milan ay dadaal la soo baxaan qeybihii danbe ee ciyaarta.
Guuldaradan waa guuldaradii shanaad ee xilli ciyaareedkan soo gaartay AC Milan horyaalka Serie A iyadoo kaliya la ciyaaray sideed kulan, sidaan oo kale waxa ay ku dhacday xilli ciyaareedkii 1941-42.
Milan ayaa ku jirta kaalinta 11aad iyagoo leh 7 dhibcood, laakiin kaalintaas hoos ayay uga sii dhicin doontaa madaama ay ciyaari doonaan kooxaha kale ee haatan ku dhibcaha ah ama dhibco yar u jira.
Lazio ayaa iyadana kaalinta seddexaad ku jirta iyadoo leh 18 dhibcood waxa ay hal dhibic ka danbeeyaan Napoli, halka ay 4 dhibcood u jiraan kooxda hogaanka heysa ee Juventus.

Post a Comment