Faah Faahin Dheeraad Ah Oo Ka Soo Baxaysa Gabar Lagu Kufsaday Degmada Yaaqshiid.

Sunday, 21 October 20120 comments

Gabar 14 jir oo ay kufsadeen rag ku labisan 
dareeska ciidamada habeen hore 
degmada yaaqshiid

Xaaladda Gabar yer oo 14 jir ah oo habeen dhaweyd Rag ku lebisan Direyska Ciidamada Dawladda ay ku Kufsadeen Degmada yaaqshiid ayaa iminka laga deeyrinayaa.
Gabadhan Miskiinta ah oo iminka ku sugan Isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo food saaray xaalado caafimaad darro ka gadaal markii Raggaas si waxshinimo ah ay u fuuleen isla markaana dhaawac soo gaarsiyeen qaybo ka mid ah Jirkeeda gaar ahaana xibinteeda taranka.
Hooyada dhashay Gabdhaas oo ay ka uuqtay Tiiraanyo xoog badan isla markaana hareer fadhiday Gabadha Dhaawaca ah aya u warantay war baahinta waxayna sheegtay in Gabadheeda oo ifka oo dhan iyada y dad ka haysato in goor habeenima ah ay adeeg uga dirsatay goob aan ka fogeyn halkii ay ka degganaayeen Degmada Yaaqshiid hase yeeshee Rag ma naxayaal ah Jidka ka qabsadeen kuwaasoo gebi ahaanteedaba xanbaartay.
Hooyadaas Soomaaliyeed oo inta ay hadlaysey mar walba Indhaheedu Ilmo ay soo buux dhaafinayeen ayaa intaa ku dartay in Gabadheeda ay Isticmaaleen Rag gaaraya illaa Tobaneeyo isla markaana Jirkeedii six un loo jar jaray taasoo ay sheegtay xitaa in ay ka baqa qabto in ay wax ka gaareen dhinaca Kaadi haysta.
Hooyada ayaa intaa ku dartay in markii la kufsaday Gabadhaa yer ee ay dhashay in ay Miir beeshay Ogaal ay ugu danbaysey markii ay Xoogayeen Raggaas Arxan laawayaasha ah taasoo ay sheegtay in gabadhu weli imnka ay shoogsan tahay isla markaana ay ka baqanayso cid kasta oo ay aragto iyadoo u malaynaysa Raggii Raggii Hilibkeeda boobay.
Hooyadaas oo calool xumo iyo ciil dartii hadalka sii wadi weysey ayaa sheegtay in wax gar gaar wanaagsan ah aysan helin gabadheeda iyadoona ka codsatay dadka Ixsaanka sama sameeya ama sama falayasha in laga caawiyo sidii gabadheeda Miskiinta ah wax loogu qaban lahaa.
Dhacdadan ayaa ahayd mid aad u naxdin badan iyadoo haweeneydaasna ay sheegtay in qoyskoodu uu yahay mid aad u dan yer isla markaana labadii maalmood ee ay Isbitaalka ku jireen aysan xitaa helin Koob shah, gaajadaasina ay u sii dheer tahay Dhaawacyada Gabadha ka soo gaaray dhinaca Dhuunta iyo Feeraha oo ay si aad ah uga cabanaysey.
Ugu danbayntii ayaa haweeneydan waxaa ay ka codsatay Dawladda Federaalka Soomaaliya in gacanta lagu soo dhigo kuwii falkaas ka danbeeyay isla markaana sharciga Islaamka la mariyo.
Si kasta ha ahaatee xaalad aan wanaagsanayn ayaa ka muuqanaysey Gabadhaas Miskiinta ah ee raggaas gashanaa Direyska Ciidamada dawladda laba habeen ka hor Kufsiga ay ugu gaysteen Degmada yaaqshiid iyadoo illaa iyo iminka aysan jirin cid ka tirsan maamulka Degmadaas oo ka hadashay Dhibaatada aadanimo ee loo gaystay Gabadha Yer ee Afar iyo Toban Jirka ah.
 

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved