![]() |
| Gabdhaha xijaaban ee magaalada marka |
Ciidamada Dowlada ayaana falal xad gudub ah waxa ay ku hayaan Haweenka kunool Magaalada Marka gaar ahaan haweenka cad cad ee indhaha soo jiifdanaya kuwaa ay kula dhaqaaqaan kufsi ama falal kale oon anshax ahaan wanaagsaneen.
Habeen Hore Xaafad kamid ah Magaalada Marka waxaa Kufsi u geesteen Ciidamo katirsan Dowlada mid kamid ah Haweenka ku dhaqan Magaalada Marka oo lasoo wariyay xitaa in ay aheed qof xaas ah ayna kufsadeen dhoor Askari oo katirsan Ciidamada Dowlada.
Ciidamada Dowlada ayaana Haweeneydaan xoog u adeegsaday kadibna kufsaday sida ay ku warameen dadka xaafada ay ka dhacday Falkan foosha xun ee Kufsiga ay geesteen Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya.
Shacabka Reer Marka ayaa ka cabanaya in aysan xitaa awoodin in gabdhahooda kuwa indha qabadka leh in ay banaanka usoo diraan ama suuqyada adeeg iga soo diraan iyaga oo ka cabsi qaba In Ciidamada Dowlada ay waxyeelo u geestaan ama ay foodeeyaan in ay wadada socdaan haweenkaasi.
Shalay Marka waxaa ka dhacay Dibad bax balaaran ay dhigayeen Shacabka Magaaladaasi waxa ayna kaga cabanayeen falalka kufsiga iyo dhibaatooyinka kale ee Ciidamada Dowlada Soomaaliya ku hayaan shacabka nabada Jecel ee ku dhaqan Magaaaladaasi.
Ma ahan Kufsigii ugu horeeyay ay ku dhaqaaqaan Ciidamada Dowlada tan iyo markii ay la wareegeen Magaalada Marka ,waxa ayna halkaasi kufsi dhoor mar ay ugu geesteen Haween kunool Magaalada Marka iyo sidoo kale Degmooyin kale oo katirsan Gobolka Sh/Hoose gaar ahaan Degmada Afgooye oo iyana dhoor mar ay Kufsi iyo dhibaatooyin badan ka geesteen.

Post a Comment