Milan Oo Ku Weli Ku Adkeysaneysa Inaan La Ceyrin Doonin Tababare Massmimilano Allegri.

Sunday, 21 October 20120 comments

Madaxweyne ku xigeenka AC Milan Adriano Galliani ayaa carabka ku adkeeyay in Massimiliano Allegri uu sii ahaan doono tababaraha kooxda Milan ka dib markii xalay ay guulkdarradii shanaad ee horyaalkan ay ka soo gaartay Lazio.
Guuldaradii 3-2 ee Stadio Olimpico ku qabsatay Milan ayaa ka dhigeysaa ku bilaabashadii ugu xumeyd ee ay ku bilowdaan horyaal muddo 60 sanadood ah.
“Xilli adag ayaan ku jirnaa, waana inaan intii awoodeena ah isdejinaaa, kana soo kabsanaa guuldaradan.” ayuu yiri Galliani.
“Dabcan uma muuqano kuwa nasiibka uu saacidayo, laakiin taas xitaa ugu danbeyn waa ay imaan doontaa.
“Waxaan indhaha ku heynaa kulanka arbacada, waxaan la ciyaareynaa Malaga Champions League, waxaana rajeynaa inaan ilowno wixii haatan dhacay”
Shaki la’aan, dhibaatada ay 7 dhibcood kaga heleen 8 kulan ayaa ka dhigeysaa in shaqada Allegri ay halis ku jirto, laakiin Galliani ayaa ku adkeysanaya inaan la ceyrin doonin.
“Tababaraha waa uu sii joogi doonaa, waana inuu raadiyaa qaab ay kooxda dhibco ku hesho, ugana soo dhex muuqato xaaladan aan ku jirno. Wax jaceyl ah gabi ahaanba uma qabno inaan iska bedelno tababaraha.”
Hadii Allegri albaabka la tuso, waxa ay u badan tahay inuu bedeli doona tababare ku xigeenka haatan Mauro Tassotti, kaasoo sidoo kale la soo shaqeeyay Carlo Ancelotti iyo Leonardo.
Tassotti ayaase noqon doonta xal muddo gaaban ah, iyadoo Milan lala xiriirinayo xilli ciyaareedka soo socda inay dooneyso Pep Guardiola ama tababaraha Zenit Luciano Spalletti.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved