John Obi Mikel oo chelsea mushaarka iyo qandaraaska u kodhineysa

Thursday, 25 October 20120 comments

John Api mikel
Chelsea ayaa isku diyaarineysa inay heshiis cusub oo shan sanno ah ka saxiixdo ciyaaryahanka khadka dhexe John Obi Mikel.
Ciyaaryahanka reer Nigeria oo 25 jir ah ayaa xilli ciyaareedkii hore la qaaday kooxda Blues koobka Champions League iyo FA Cup.
Heshiiska Mikel ee haatan ee kooxda ayaa dhacaya xagaaga soo socda, laakiin wakiilkiisa John Shittu ayaa u sheegay wargeyska The Sun:
“Mikel waxa uu dhawaan saxiixi doonaa heshiis shan sanno ah, iyadoo loo kordhinayo qandaraaska, waxaana haatan ku jirnaa gabagabeynta heshiiskaas.

“Mikel waa mid ka mid ah ciyaartoyda qaab ciyaareedkooda uu joogtada yahay, waxaana ay kooxda nagu raacday inuu u qalmo in heshiiska looo kordhiyo iyo weliba mushaharka.
“Sannad ayaa haatan uga hartay qandaraaskiisa Chelsea, waxaana ay Chelsea go’aansatay inay afar sanno oo kale oo dheeri ah ku sii darto sannadkaas”.
Chelsea ayaa Mikel kala soo wareegtay kooxda reer Norway Lyn Oslo 2006dii, ka dib markii ay saxiixiisa kaga adkaadeen kooxda ay xafiiltamaan ee Manchester United.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved