Weeraryahanka kooxda Kubadda Cagta Manchester United iyo Xulka Qaranka Ingiriiska Wayne Rooney ayaa u rajeeyay Madaxweynaha ku tartamaya Doorashada Madaxweynenimo ee Mareykanka Brack Obama in mar labaad uu ku guuleysan doono Hoggaaminta Dalka Mareykanka.
Rooney ayaa boggiisa “Twitter-ka” ee dhinaca Internet-ka ku soo qoray “Aad ayaan ula socdaa Tartanka Doorashada Madaxtinimada Mareykanka, haddii aan America cod ku lahaan lahaana waxaan mar labaad xilka Madaxweynenimo u dooran lahaa Brack Obama”.
Doorashada Madaxtinimada Mareykanka 2013 ayaa dhici doonta 6-da bisha soo socota ee November oo hal Isbuuc oo qura uu naga xigo, waxaana ku tartami doona Madaxweynaha haatan talada haya ee Xisbiga Dimuqraadiga Brack Obama oo 51-jir ah iyo Musharraxa Xisbiga Jamhuuriga Mitt Romney oo 65-jir ah, ahna Ganacsade weyn oo laga yaqaanno Mareykanka.

Post a Comment