Falanqeynta Kulanka Xiisaha Leh Ee Horyaalka La Liga Ee Kooxaha Rayo Vallecano v Barcelona

Saturday, 27 October 20120 comments

Rayo Vallecano ayaa waxaa laga yaabaa inay ka maqnaadaan Piti iyo David Cobeno kulanka ay caawa la ciyaarayaan kooxda Barcelona, iyagoo xumad ay heyso.
Jordi Amat iyo Nicki Bille ayaa ka soo laabtay dhaawac, laakiin daafaca dhexe Mikel Labaka ayaa ganaax ku maqan ka dib casaankii uu qaatay kulankii Espanyol.
Barcelona ayaa weli sugeysa hadii Javier Mascherano uu ciyaari karo ka dib markii ay racfaan labaad ka qaateen casaankii uu qaatay ciyaaryahanka reer Argentian kulankii Deportivo La Coruna.
Daafacyada Dani Alves iyo Gerard Pique ayaa ku soo laabtay tababarka waxaana laga yaabaa inay ciyaaraan, laakiin kabtan Carles Puyol iyo ciyaaryahanka khadka dhexe Thiago Alcantara ayaa weli maqan.
MA OGTAHAY?
  • Rayo Vallecano ayaa laga badiyay afar ka mid ah shantii kulan ee ugu danbeysay La Liga.
  • Kooxda Vallecas ayaa kulankii ay martigeliyeen Barcelona xilli ciyaareedkii hore waxaa looga badiyay 7-0.
  • Guushii ugu danbeysay ee Rayo ay garoonkeeda kaga gaarto Barcelona waxa ay aheyd December 2002 markaasoo ay kaga badiyeen 1-0.
  • Barcelona ayaa badisay sideed ka mid ah sagaalkii kulan ee u danbeysay tartamada oo dhan.
  • Kooxda Catalans ayaa seddex kulan kaliya shabaqa ilaashatay 13kii kulan ee tartan rasmi ah ee ay ciyaareen ilaa iyo haatan xilli ciyaareedkan.
  • Barcelona lagama badin, kulan uu Andres Iniesta gool dhaliyay.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved