Alex Ferguson Oo Rabo Inuu Bisha Janaayo U Dhaqaaqo SOo Xerogelinta Ashley Cole.

Saturday, 27 October 20120 comments


Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay si lama filaan ah u qorsheyneyso inay u dhaqaaqdo daafaca Chelsea iyo xulka England Ashley Cole.
Tababaraha United Alex Ferguson ayaa si weyn u qiimeeya daafaca bidix kaasoo qandaraaskiisa Chelsea uu dhacaya xagaaga soo socda, islamarkaana diidan heshiis hal sanno ah oo ay u soo bandhigtay kooxda ka dhisan Stamford Bridge.
Wargeyska Daily Mail ayaa ku soo waramaya in Ferguson ay la yaab ku noqotay in ciyaaryahan sida Cole oo kale ah in loo ogolaado inuu qandaraaskiisa dhameysto isagoo aan qandaraaska loo cusbooneysiinin.
Tababaraha reer Scotland ayaana doonaya inuu ka faa’ideysto fursada u furan islamarkaana uu ku bedelo Patrice Evra kaasoo mustaqbalkiisa Old Trafford shaki la gelinayo.
Cole ayaa saaxiibo fiican waxa ay yihiin Wayne Rooney, waxaana uu maalmihii u danbeeyay soo gabagabeeyay colaadii kala dhaxeysay Ferdinand, taasoo Ferguson ka caawineysa inay wadada u sii furanto.
Man United ayaana laga yaabaa inay daafaca bidix u dhaqaaqdo bisha Janaayo marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved