Saxafigan ayaa waxaa afduubtay kooxaha mucaaradka syria ee ku sugan degmada Azaz ee magaalada xalab.
Abuu Ibraahim oo ah madaxa koox mucaarad ah ayaa sheegay mar uu u waramaayay TV lokal ah
in saxafigan magaciisa la yiraahdo Fidaa Itaani laga afduubtay goobtaas.
waxa uu ku sii daray Abuu Ibraahim in saxafigan iyo safiyiin kale oo syrian ah oo kasocday dowr warbaahin, looga shakiyay mar uu bilaabay in uu sawiro ka qaato goobta islamarkaana aysan jecleysan dagaal yahanada kooxdaasi.
Abuu Ibaarahim waxaa uu sii sheegay in ay kooxdaasi mucaaradka ah ay isga ku soo wareejiyeen fidaa Itani, waxaa uuna ku sii daray in Saxafugan uu isaga la sii joogi doono in muda ah.
Abuu Ibraahim o ah madaxa koox mucaarad ah oo horey u afduubatay 11 lebnaan ah kuwaas oo degmada Azaz u tagay Xajka ay shiicada aaminsantahay may 22, inyar kadib markey usoo gudbeen syria ayagoo ka yimid Turkiga, waxayna ku soo jeedeen wadankoodii marka ay xaj ahaan usoo guteen magaalooyinka barakeeysan ay shiicadu aaminsantahay.
Post a Comment