Xanibaadda hubka ee Soomaaliya oo la qaadayo

Sunday 3 March 20130 comments


Golaha Amaanka ee Qramada Midoobey ayaa maalinta Arbacada ah (6/3/2013), isugu imaanaya kulan ay uga doodayaan oggolaanshaha Golaha Amaanka ee hawlgalka AMISOM oo bishan ku eg iyo sidii xanibaadda hubka looga qaadi lahaa Soomaaliya taas oo saarneyd muddo 21 sano ah.

Hawlgalka AMISOM ayaa lagu wadaa in sanad dheeraad ah loogu darro, waxana dhici karta in muddo ka yar intaas oo 6 bilood ah mandate-ka loogu darro.

Dhanka kale qaraar xasaasi ah ayaa horyaala Golaha Amaanka kaas oo ay hor-boodayaan Dalka Maraykanka, Jaamacadda Carabta, Midowga Africa iyo qaar ka mid ah dalalka Yurub sidii looga qaadi lahaa xanibaadda hubka ee saarneyd Soomaaliya muddo 21 sano ah.

Qaraarka cusub ayaa la doonayaa in uu beddelo qaraarka lanbarkiisu ahaa 751 ee soo baxay 24.4.1992, kaas oo dhigaayey in hubka noockasta uu yahay Soomaaliya xanibaad laga saarey.

Inkasta oo qaraarkaasi aanu shaqeyn oo sida Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud Sheegay guri kasta ugu yaraan 4 qori laga helaayo, ayaa xoghayaha Qaramada Midoobey Ban Ki-moon iyo ergaygisa Soomaaliya Mahiga ku doodayaan in ciidamada AMISOM aysan ahayn kuwo weligood Soomaaliya jogaya, ciidanka Soomaaliyana aanu hadda ku filneyn in uu amniga hanto kana hortago kooxaha mayalka adag ee dagaalka kula jiraa, sidaas darteed loo baahan yahay in ciidanka Qaranka la dhiso ayna awood u yeelato dowladda Soomaaliya in ay heli karto hub ay amniga ku difaacdo.

Si kastaba ha ahaatee Qaraarkan cusub o ay soo diyaarusey dalka Britian ayaa la sheegayaa in aanu si dhamaystiran loo wada qaadi doonin xanibaada ee ay jiri doonaan waxyaabo Golaha Amaanku la haro, sidoo kale qaraarkan ayaa shaqeynaya muddo sanad ah isla markaana Golaha Amaanku weli dusha kala socon doono, sida laga soo xiganayo diblomaasiyiin Reuters kula hadley in aan magacooda la xigan.

Qaraarka cusub ayaa dhigayaa in hubka aad u culus sida gantaalaha, diyaaradaha aysan ku jirin xanibaadda la qaadayo, waxaa kale oo uu dhigayaa qararaakan in aan hubka dib loo iibin karin ama cid kale lagu wareejin karin.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyo diblomaasiyiinta kale ayaa ku doodaya in Soomaaliya u baahan tahay hub ka dhigis waqtigan ee aysan u baahneyn hub kale oo lagu daabulo.

Sidoo kale waxaa wel-wel laga muujiyey ciidanka Soomaaliyeed oo weli u dhaqmaya sidii Malayshiyaad, marar badana dhex-dooda is dagaalamey, haddii hub culus gacanta u galo in dib ay u soo laabtaan hoggaamiye kooxeedyo cusub oo ciidanka ka dhex-dhasha, sidaas darteed ayaa dadka qaarkiis arkaan in ay tahay mindi laba afleh in xanibaadda hubka la qaado.


Hablaha Media Network
______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved