Maxkamadda rafcaanka oo siideysey Luul Cali Cisman, laakiin weriye Koronto xabsiga ka yaraysey

Sunday 3 March 20130 comments


Waxaa maanta mar kale la keenay maxkamadda Rafcaanka ee Gobolka Banadir Luul Cali Cismaan oo ah gabadh ku doodey in niman ka tirsan ciidanka Soomaaliya ama xiran dharka ciidanka Soomaaliya ay kufsadeen, iyo weriye Cabdicasiis Cabdinuur Koronto oo waraysi la yeeshey gabadhaas.

Maxkamadda derajada kowaad ee Gobolka Banadir ayaa 5 feberaayo 2013 xukun hal sano ah ku ridey gabadha iyo weriyaha lagu eedeeyey in uu kala qaybqaatey fal danbiyeed lagu sheegay in uu ahaa been abuur iyo sharaf-dhac loo geystey ciidanka Soomaaliya.

Luul Cali Cismaan oo ah hooyo haysata ilmo aan laba sano gaarin ayaa maxkmaddu go’aamisey inta Ilmaheedi labo sano ka gaarayao banaanka ayey joogeysaa.

Gabadha in la kufsadey ku dodey iyo weriyaha ayaa qareenada u doodayaa Rafcaan ka qaateen

Maxkamadda Rafcaanka ee Gobolka Banaadir ayaa maanta dhegaystey kiiskan, kadib wax khafiifisey xukunkii halka sano ahaa ee lagu xukumey Weriye Koronto waxaana ay ka dhigtey 6 bilood oo xarig ah taas oo looga bilaabey maalintii la qabtey ee bartamihii Janaayo, maxkmadda ayaa cafis u fidisey gabadha uu weriyuhu waraystey ee ku doodey in la kufsadey.

Madaxa hay’adda HRW qaybteeda africa Daniel Bekele ayaa yiri maxkmaddu waxay dhumisey fursad ay dhanka saxda ah talaabo ugu qaadi lahayd, waxayna ku xadgudubtey xoriyadda hadalka ee Soomaaliya.

Dacwaddan ayaa ahayd mid soo jiidatey caalamka isla markaana si dhaw isha loogu hayey, waxaana lagu tilmaamey in ay tahay tijaabadii u horeysey ee Dowladda uu Madaxweynaha ka yahay Xassan Shiikh Maxamuud.

Hablaha Media Network

______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved