Wararkii ugu dambeeyay wada hadalada ka socda Nairobi ee ku saabsan khilaafka Kismaayo

Wednesday 13 March 20130 comments

Iyadoo labo maalin ka hor magaalada Nairobi la geeyay Mas’uuliyiintii ugu sareysay ee Maamulka KMG ah ee Kismaayo ayaa waxaa wali socda wada hadalada ay garwadeenka ka tahay Kenya, kaasoo lagu xalinayo khilaafka ka taagan maamul u sameynta Jubooyinka.
Wararka laga helayo magaalada Nairobi ayaa sheegaya in wada hadaladan ay yihiin kuwo aan wali waxba ka soo bixin, iyadoo dhinacyada shirsan wali madaxa iskula jiraan qaabka loo wadayo shirweynaha maamul u sameynta iyo doorka dadka deegaanada ka soo jeeda ku leeyihiin.
Xubnaha la geeyay ayaa waxaa ka mid ah Axmed Madoobe oo hogaamiya Raaskambooni ahna madaxa Maamulka KMG ah ee Kismaayo, Saraakiisha Milateriga Soomaaliya oo uu ugu horeeyo Jen. Ismaaciil Saxardiid iyo Maamulka Gedo oo horay u qaadacay shirweynaha maamul u sameynta.
Inkastoo wada hadaladan aan lagu casuumin dowladda Soomaaliya oo horay mowiqf iska taagay shirweynaha maamul u sameynta, hadana waxaa muuqata in dhinacyada Kismaayo ka taliya in xaajadooda u gaar tahay, xalkoodana uu noqday in laga raadiyo dowladaha deriska ah.
Marka laga yimaado khilaafka labada ciidan ee dhawaanahan isku hor fadhiyay Kismaayo ee ciidamada Dawlada soomaaliya iyo kuwa jabhada Raaskaambooni ayaa waxaa wali la isku afgaran la’ayahay in la sameeyo maamulkan loogu magac daray Jubaland kaasoo sameyntiisa ay dowladda Soomaaliya ay ka soo hor jeesatay in la sameeyo.
Xaalada Kismaayo oo ah mid degan ayaa waxaa muuqata in dadka ay isha ku hayaan waxa ka socda Nairobi iyo natiijooyinka ka soo bixi kara, maadaama uu wali muuqdo hardanka siyaasadeed ee loogu jiro maamulka Jubaland iyo sida awood ahaan loogu kala qeybsan doono.



______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved