SAWIRO: LAYAABKA DUNIDDA:- Haweeney Shan nin oo walaalo ah qabaan !!!!

Saturday 23 March 20130 comments


Arintaani oo ah mid ka yaabisay Muslimiinta India ayaa waxaa lagu soo waramaaya in Haweeney u dhalatay Dalkaasi Hindiya ay xaas u tahay Shan Ruux oo Walaalo ah.

Wargeyska Daily Mail ee kaso baxa wadanka Ingiriiska oo wax ka qoray sheekada gabadhaan ayaa sheegay in gabadhu ay ku nooshahay tuulo yar oo  la yiraahdo Dehradun, kuna  taala waqooyiga wadanka Hindiya.

Magaca gabadhaan oo lagu sheegay Rajo Verma waa 21-Sano jir waxaana ay u dhaxday oo hadda wada qaba 5 nin oo dhalinyaro oo waliba walaalo ah.

Wargeysku waxaa uu ku waramayaa in haweeneydaan Hindida ah ay habeen walba mid la seexato inkastoo ay hal guri wada degen yihiin.

Wiil yar oo 18 bilood jira oo ay haweeneydaan dhashay ayay sheegtay inaysan garanayn midka ay u dhashay hase ahaatee waxaa ay intaa ku dartay in shantooda uu Aabe wada yiraahdo.

Rajo oo ah haweeney 5 nin u dhaxday oo Hindiya ku nool waxay u sheegtay wargeyska wax ka qoray ee Daily Mail la yiraahdo in arrintaan ay iyadu hadda ku qancsantahay waxaana ay xustay in bilawgii sheekadaan  xanuuno dareemi jirtay hadase aysan waxba dareemin.

Mar wax laga weydiiyay midka ay u jeceshay 5-ta nin ee qaba ayay sheegtay inaysan kala jecleyn oo ay u siman yihiin.

Ninkii ugu horeeyay ee guursada waxaa la yiraahdaa  Guddu 4 sano ka hor ayuu guursaday kadib markii uu cideeda ka doontay hase dib ayay ka guursaday 4 wiil oo kale oo la dhalatay oo lakala yiraahdo  Sant Ram, Gopal,iyo Dinesh oo ah kan ugu dambeeyay waxaana uu guursaday sanad ka hor.

“Dhamaanteen xaas bay noo tahay waana u wada galmoonaawaliba anigu kama maseyro waxaanu nahay qoys wada faraxsan” waxaa sidaas yiri Gaddu oo ah ninkii ugu horeeyay ee gursaday haweeneydaan”

“Cuntada hal meel ayaanu kuwada karsanaa waana isku qanacsanahay” ayuu sidoo kale yiri

Haweeneydaan waxaa ay sheegtay inaysan wax culays ah u arkeyn inay qabaan shan nin oo walaalo ah sababtuna ay tahay in hooyadeed ay hadda ka hor ay qabi jireen 3 nin oo walaalo ah.

Waxaa kale oo ay tiri “ Hal meel ayaanu wada seexanaa mana haysano wax sariiro ah oo bustayaal ayaanu wada huwaana” waxaana ay intaa ku dartay in 5,taan nine ee qaba ay aad u jecelyihiin

“ Waxaan dareemaa jaceyl ka badan kuwa ay helaan dumarka uu halka nin qabo” ayey sidoo kalew tiri.

Aabaha dhalay haweeneydaan oo la yiraahdo Verma Draupadi ayaa u sheegay wargeyska la yiraahdo The Sun oo sidoo kale sheekadaan wax ka qoray inuu aad uga naxay markii uu muqlay in gabadhiisa ay shan nin u dhaxday.

Dalka Hindiya dadka aan Muslimka aheyn dhaqan ahaan uma laha in qofka dumarka ah uu guursado wax ka badan hal nin arintaana dad badan ayay ka yaabisay.


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved