Ragga Ma Jecla Haweenka Tilmaamahan Leh , Waxaa Ugu Daran Midda Sida Police-ka U Dhaqanta.

Wednesday 20 March 20130 comments

Waxaa jira calaamado badan oo ay haweenka leeyihiin taas oo ragga ku qasbeysa in ay ku adkaato in ay xariir la sameeyaan hadaba ka fogoow in aad calaamadahaan yeelato .


1. Maseerka Badan : Maseerka waa uu indho la yahay , hadii aad shaki badan tahay maalintii dahn aad kormeer ka hayso telkiisa dadka uu la hadlay , intee jirtay , taasi ninka ayay kaa sii fogeyneysaa oo ragga ma jecla haweeneyda kormeerka badan oo aad moodo in ay tahay Police , sii ninkaada xoriyad .

2. Kibirka Badan : waa mid haweenka kale u arakta kuwo ka liita oo ka hooseeya , waxa ay iska dhaa-dhicisaa in ay tahay haweeneyda ugu qurxoon aduunka , mar waliba ninkeeda hortiisa ayay isku hor amaantaa mana oga in tani ay iyada wax u dhimeyso oo ay ninka u muujineyso in aadan isku kalsooneyn.

3- Midda daciif-ka Ah : ninka waxa uu jecel yahay in uu ku ahaado qoroxda aad ileyska
ka heleysid hadana waa uu neceb yahay midda mar waliba dareensiisa in ay si xad ka bax  ah ugu bahan tahay  uguna tiirsan tahay oo  la`aantiisa noolaan karin , war gabaryeheey Hablaha Media Network waxa ay ku leedahay u muuji ninkaada awoodda shaqsiyadaada isla waqtigaas adeegso caqliga ah in aad ka maarmin.

4- Midd Hadalka Badan : waa mid aan laheyn sabar ay ku sugto ninkeeda inta uu guriga kaga soo laabanayo si sheekooyinka dhadhanka aan laheyn ee dariskeeda uga sheekeyso , iyadoo sheekadaas bilaabeysa waqti aan munaasib ku aheyn oo u shaqo ka soo laabtay uuna u baahan yahay nasiino .

5- Midda Ku Waalan Suuqa Ka Soo Dukaameysiga : tani waa halista uu ninka si weyn u neceb yahay
Hablaha Media Network waxa ay ku leedahay tani ninka wax ay dareensiineysa in aadan laheyn wax mas`uuliyad ah ee gabaryaheey il gaar ah isaga yeelo arintaan.


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved