Nin Xaaskiisa u gowracay Namiimnimo

Friday 15 March 20130 comments


Dhacdadaani ayaa ka dhacday Dalka Pakistaan, kadib markii Nin lagu Magacaabo Hamza Khan uu Xaaskiisa Gowracay isaga oona sheegay inay ahayd Haweeney iska horgeysa isaga iyo Ehelkiisa.

Hamza Khan oo la sheegay inuu yahay 27-jir Isla markaana ka soo jeeda Qoys Muslimiin ah ayaa waxaa inta badan Reerkiisa ku diri jiray Xaaskiisa oo lagu magacaabo Kativa waxa uuna warbaahinta Dalkaasi u sheegay Hamza inuu adkeysan waayay Ficilada ay ku dhaqmi jirtay Xaaskiisa sidaa darteena uu gowracay.

Warbaahinta Pakistan qeybteeda Arrimaha Bulshada ayaa daabacday in Kativa ay u geeriyootay iska horgeynta Ninkeeda iyo Ehelkiisa waxa ayna intaa ku dareen in Aaska Kativa uu ka taagan yahay Khilaaf ka dhex taagan labada qoys.

Qoyska Kativa ayaa u dacwooday Maxkamadda Dambiyadda Dalkaasi, waxaana socda Baaritaano lagu Haayo Dambiile Hamza Khan oo isagu ka fogaaday Goobaha lagu garanaayay iyo Hoygiisa, iyada oo aan la garaneynin halka uu u jiheystay Balse Booliska Dalkaasi ayaa gacanta ku soo dhigay Laba Ruux oo la sheegay inay Saaxiib sukeeye la ahaayen Dimbiile Hamza Khan si ay Booliska ugu baadi gooban Hamza Saaxiibadiisa oo la rumeysan yahay inay ogyihiin halka uu ku dhuumaaleysanaayo Gacan ku dhiiglahaasi

Laga soo bilaabo 2006-dii ilaa iyo iminka ayaa waxaa dalkaasi Pakistaan ku soo badanaayay Dilalka ay isku geysanaayan Qoysaska is-qaba oo iyagu la sheegay in inta badan uu soo kala dhex galo Isfahan’waa

Si kastaba ha ahaatee Dhacdadaani ayaa bar-bar socta dhacdo laba Asbuuc ka hor Dalkaasi ka dhacday oo ay isku geysteen laba Qoys oo kala qabay Gabar kuwaasi oo isku adeegsaday Toorey.


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved