Madxaf Dhaqanka Soomaalida lagu keydiyo oo laga furayo Minnesota, USA

Friday 15 March 20130 comments

Magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka ayaa lagu wadaa in dhawaan laga furo madxaf lagu keydiyo dhaqanka Soomaalida, waana kii ugu horeeyey oo noociisa ah oo laga furo dalka Maraykanka.


Fikirka Aasaaska Madxafkan ayaa waxaa lahaa Cismaan Cali oo kamid ah ganacsatada Soomaalida ee ku dhaqan gobalka Minnesota ee dalka Maraykanka, wuxuuna sheegay inuu doonayo in dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi ay ka qeyb qaataan aasaaska madxafkan iyo waliba jiritaankiisa mustaqbalka.

Cismaan Cali oo dalkaasi Maraykanka degenaa muddo ka badan 17 sano ayaa sheegay in qalab badan oo ka tarjumaya dhaqankii Soomaalida lagu aruuriyey madxafkaasi, isla markaana uu hada doonayo in qalabka kale ee ka dhiman madxafkaasi ay kala qeyb qaataan shacabka Soomaaliyeed sidii lagu heli lahaa iyo waliba taageerida dhaqaale ee madxafkan ka tarjumaya dhaqankii hore ee Soomaalida.

Gobalka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa ah gobalka ay degen yihiin Jaaliyadda ugu badan ee Soomaaliyeed, madxafkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey oo ay Soomaali ka aasaasto dalka Maraykanka. Waxaana lagu tilmaamay mid ahmiyad gaar ah u leh dhalinta iyo ubadka Soomaaliyeed ee aan iyagu weligood arag dalka Soomaliya inay wax ka bartaan dhaqankoodii hooyo.

Cismaan Cali oo ah ninka fikirkan ku dhashay in la aasaaso madxafkan ayaa sanado hore bilaabay aruurina Qalabka farshaxanka iyo qalabkii dhaqanka Soomaalida oo ay adeegsan jireen Soomaalidii hore ayaa markii hore qalabkaasi dhigay gurigiisa iyo makhaayad uu dalka Maraykanka ku leeyahay.

Cismaan ayaa sheegay in mar uu isku dayey inuu soo gato “sibraar” (Weelka Caanaha lagu shubto) ayaa wuxuu dareemay in dhamaan Soomaalidii uu weydiiyey meesha uu ka heli karo Sibraarkaasi ay garan waayeen waxa uu yahay qalabkaas, taasi oo ku dhalisay dareenka ah sida Soomaalida maanta joogta ay u illaaween wax badan oo ku saabsan dhaqankoodii. Wuxuuna sheegay in hada khatar ku jiro inuu gebi ahaan dhumo Dhaqankii Qurxoonaa ee Soomaalida.

Cismaan ayaa hada soo aruuriyey qalab gaaraya 700 oo ka tarjumaya dhaqankii Soomaalida, wuxuuna si weyn ugu mahadnaqay qof Soomaaliyeed oo ugu deeqay qalab badan, qofkaasi oo kamid ahaa dadka aruuriya farsaxanka iyo dhaqankii Soomaaliya oo horey u degenaan jiray gobalka Ohio ee dalkaasi Maraykanka, qofkaasi ayaa ku wareejiyey dhamaan qalabkii uu hayey mar uu uguurayey dalka Soomaaliya. Cismaan ayaa sheegay inuu qofkaasi qeyb weyn ku lahaa qalabka uu gacanta ku hayo.

Dhismaha iyo Aasaaska Madxafkan ayaa ah ahmiyada ugu weyn ee laga leeyahay in Taariikhda iyo dhaqankii Soomaaliyeed lagu soo bandhigo, isla markaana ay ka faa’iideystaan Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo ubadkooda inaysan marnaba illaawin dhaqankoodii.

Mashruucan ayaa waxaa Cismaan kala qeyb qaatay haweenay lagu magacaabo Sarah Larsson oo ka shaqeysa xarunta Horumarinta Afrika ee ku taal gobalka Minnesota. Haweenaydan ayaa sheegtay in fikirkan uu usoo bandhigay Cismaan ay jeclaatay inay kala qeyb qaadato kadib markii ay aragtay taariikhda iyo dhaqanka Quruxda badan ee Soomaaliyeed, isla markaana ay tahay in lagu dadaalo sidii loo xafidi lahaa, si uusan u dhumin dhaqankaasi.

Cisman Cali ayaa sheegay inuu qabanayo kulan uu ugu talo galay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Minneapolis iyo dalka Maraykanka kaasi oo looga hadlayo sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen madxafkan, isagoo ugu baaqay dhamaan jaaliyada inay kasoo qeyb galaan kulamadaasi oo dhici doona:

Maanta oo ah Jimce (15 March) iyo beri oo ah Sabti (16ka March) ayaa lagu qabanayaa munaasabad Iskuulka:

Lincoln International High School,
2123 Clinton Avenue
Koonfurta magaalada Minneapolis,

Kulamadan ayaa labadaasi maalmood bilaaban doona 3da(pm) Galabnimo, wixii faah faahin ah oo arrintan la xariira kala xadhiidh:

Cismaan Cali +612-998-1166
ama
Sarah Larsson 952-818-0021
slarsson@adcminnesota.org



______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved