Ku:- Xaaskayga……. Qoraalo Cabasho Ah

Saturday 9 March 20130 comments



Ku Xaaskayga :Cabashooyin.!

Allah ayaa mahad dhaman iska leh.nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato Rasuulkii suubanaa Maxamed (SCW)

Intaa ka dib , waxay ku socotaa adiga haa adiga . adiga xaaskayga qaaliga ah .aana jeclahay. waa qoraal yar oo aan ugu talagalay inan kugu xariiqo cabashoyin badan oo aan kaa tirsanayo. kuwasoo aad igu hayso.koobsadayna amar diido xadgudub.isbdelo jira kuwasoo kaa soo muuqda beryahaan danbe adoon is ogayn.

taasoo i sababtay marar badan welwel cirrina galisay raaxadayda . igana qaaday degananshihii aan ka heli jirey nolsoheena xaas ahaaneed, kuuguma qoraayo cabshadaan waxaan ka ahayn inan ku xususiyo kuna tuso , taasna waxay iga tahay inan isku kaashano wanaaga iyo taqwada..

Waxaan rabaa inan kuu sheego khaladaadkaaga bal inaa is garato isna bedesho Xabibtaydiiyey anoo ula jeeda naseexo. iyo xususin bal inaa aragto adna ,

Xaaskaygii aan jeclaayeey meeyay xaqaygii aan kugu lahaa ee ahaa inaa i adeecdo wixiii wanaaga, waayadaan danbe waxaan kaa arkaa madax adeyg waxaan arkaa inan rayi ku lahayn xagaga, mana arko qawaamadaydi iyo mas.uuliyadaydii inay qalbigaga meel ku leedahay, waaba sidii iyadoon lagu amrin daacadayda sharciguna kugu boorin , sow ma ogid taan jeclaayeey daacadyda waxan macsi Rabbi ahayn inaad ku helayso jano iyo raaali ahanshaha Rabbi,,

Markaan ku xususinayo inaa i adeecdo maaha inan rabo inan ku dhibo. mana aha inan rabo inan rayigayga kugu qasbo iyo waxadan xamili karin marna sidaa ha moodin hana ku fekerin taas , maslaxadeena iyo maslaxda gurigena uun weeye waxan rabo ogowna sidaa xaq iigu ledahay inan ana xaq kaa la mida kugu leeyahay. Ogow sowjadaydii qaaliga ahaydeey in Allah uusan u sharciyaynayn umadiisa waxaan wanaag u ahayn diintooda iyo aduunkoodaba , markuu ninka qawamada iyo masuuliyada sareyna isagaa og qofka ku haboon mas.uuliyadaa adag kana soo bixi kara hana ilaawin kuwa aayadu shegtay ee Qaanitaatka la yiri waa kuwa adeeca nimankooda wixii wanaaga .

Waayadaan danbe waxaa guryaheena soo galay Taqaafada xoriyada ee been abuuradka ah taasoo dumarkii ku reebtay sunteedii iyo haraageedii. kana xayuubisay ragii masuliyadii dumarkooda. taasna waa dhibaato weyn iyo balo aan ka qarsoonayn qof walboo caqli leh

Ogowna haweenka rabbi agtiisa ugu khayrka badan waa tan adecda ninkeda , Rasuulkuna (SCW) mar la wyadiiyay, waa kii lahaa waaa mida farxad galisa markuu eego markuu amrana yeesha.

Waxaan kaloo kugu arkaa beryahan danbe qanaaco la,aan wajigaga ka muuqata waxan ku arkaa inaadan raali ku ahayn mustawaha nolosheena mucamaladada waa caro joogto ah kaama muuqato raali ahansho. kor baad eegaysaa had iyo jeer. cabashadadii baa badatay waxad u aragtaa wxiii badnaa wax yar kuwa kaa hooseya ma egaysid waxad eegtaa kuwa kaa sareeya uun. taasna waa dadaal xaqiran . aadna ku dhadhaminayn liibaanta wada noolaanshuhuna uusan macaanaanayn. . Maxay tahay waxaanoo cabsho ah ?Meeday qanaacadii? Meday shukrintii?

Qalbigaan qanaaco ku jirin waa qalbi faqiira wax walbuu haysto ,wax deeqana ma jiro , , xagee ka joogtaa hawenaydii salixada ahayd e ku oran jirtay ninkeda markuu sii baxaayo . Ilaahay ka baq oo xaraan hanoo kenin waayo gaajo waan u adkaysan karnaa laakiin naar uma adkaysan karno.

Yaad isu qurxinaysaa

Mar walboo uu dhawaaqo mid xaflad shegaya ama kulan, waxad diyaarisaa wixii qurux ahaa . waxaana isku diyaarisaa bixis waaba sidii adooo lagu guurinaayo,,

Maaha inan ka soo horjeedo inaa is qurxiso. nimcada rabina ee ah dhar iyo quruxna naga muuqato. maadaama uu Rabbi caro galinayn.

Laakiin waxaan arkaa adooo ka gaabiyay inaa quruxdaan iyo is qurxintaan dhinacedii ka jeedisay .Ma khaldani hadaan ku dhaho. ninkaagaa ugu xaq badan inuu arko quruxdaa iyo is qurxintaaa oo dhan. ha yeesheee waxaanba dhihi karaa isku qurxintisu waa dhameystirka daacadiisa iyo kula dhaqankiisa wanaag. taasna waa xaqiiqda guurka iyo in laga helo dhowrsanan naftana laga ilaaliyo shahwadka . hadaadan adigu isku kay qurxin xaaskaygii aan jeclaayey yaa isku kay qurxinaya?. indhahaygii hadaan ka soo laabtay dibeda gurigayga soomaaaha inan ku furo. mise cadaabtaas baan ku jiraaa ,

Gurigaaga .Gurigaaga

Waxaa laabtayda ciririiyay naftayduna ka xumaataa inan ku arko rabitankaaga badan ee bixista gurigaga kuma deqayo isagoo waasic uu yahay qalbigaga ma degayo ilaa aad baxdo mar waxaad u baxaysaa waxbaan soo iibinayaa waxyaalo aan daruuri ahayn mar aroos , mar booqasho ,xaalad walboo aad baxdana ma arko wax i qanciya bixistaada badan , sooma ogid sowjadaydii qaaliga ahaydeey gurigaaga oo aad ku nagaato wax daruri oo aad u baxdo maahee ay kuu tahay sharaf. sow ma ogid inan gurigaaga aad mas.uul ka tahay laguna waydiinayo .amaandaan Alle mas.,uulka kaaga dhigay

Meeday Muuqaaladii jaceylka ee aan kaa arki jirey waxaan kaa waayay hadaladii i macaanaa ee naxaristu ku dheehneyd . Cibaaratkii jaceylka iyo kalgalacalka wadan jirey waxaan ka waayay wax walboo nafta u wanaagsan hadal iyo ficil kay noqotaba nolosheenii waxay noqotay mid qalalan ,waxay noqotay mid ka maran mashaacirtii naxarista iyo xanaanka mid ka maran wax walboo kenayay degananshihii rerkeena iyadoo degananshuhu yahay aasaaska nolsoha guurka ,

Sowjadaydii qaaliag ahaydeey.miyaadan ogayn in ninku uga baahi badan yahay jacayka iyo hadalka macaan ee naxarista leh cuntada tan u wanaagsan . miyaadan ogayn markay naftisu degto inay raad ku yeelanayso shaqsiyadiisa iyo sacaadadisa jirkiisa . mid ka xeel dheer mida ay cuntada ugu wanagsan u keenayso. xaaskaygiiyey ogow oo i garo waxaan rabo,,,

Waxaan kaa rabaaa dhooola cadeyntii iftiimi jirtay waxaan kaa rabaa naagnimadada dhabta ah ,. waxaan kaa rabaa hadal run ah, waxaan kaa rabaa dareen saafi ah waxaan kaa rabaaa daren jilicsan. intaas . oo dhan waxay iga mayarayaan daalkii shaqada maantoo dhan . waxaan kaa rabaaa inaa noqoto saaxiibaday i dhow mid mar walba jaceyl iyo jilicsanan ka muuqato. mid ishaarada igu fahanta waxaan kaa rabaa dhalal iyo iftiin inaa naftayda galiso taasoo iga qaadaysa culeyska maalmaha saasna aad iigu noqonayso meshaan ku degaayay ee dhabta ahayd.

Qiiradaada xaddhaafka ah way i daalisay . waan qadarinayaa inaa jaceyl aad ii qabto darteed ay tahay , waxaana u arkaa astaamaha jaceylka . laakin waxan daremayaa inay isku bedeshay . shaki iyo malo xun waxaan kaloo daremayaa qiiiradada xaddhaafka ah inay i hareeraysay. ina eryanayso shakina galinayso hadaladayda iyo ficiladaydaba . waxay gaartay qiiradadii inay i daalisay jaceylkeeniina xumeysay . waxaan gaaray heer anan u dulqaadan karin su.aalahaa iska soo daba dhacaya e shakigu daboolay iyo eedayntaa joogtada ah mar hadal ah .. mar eegmo ah marna Ganuunac ah,,, Qiirada wanagsan xaaskaygii aan jeclaayey maaha inaa ku camal fasho waswaska shaydanka gurigeeniina ka dhigto Jaxiiim, iyo meelan lagu nasan , Ilaa uu isku bedelay meel la isku baaaro ayna ka socoto intaa Su.aalo adadag, aamusnaaan, eedayn., waxaan kaa arkaa inaa naftaadii dhib galisay sameynayso Khiyaalaat iyo wax malo awaaal ah , nafatadana galisay murugo i yo welwel aan wax dhaba ku dhisneyn , gurigeniina isku bedelay meel mugdi ah , isagooo ahaaa guryaha kan ugu sacaadaysan ,uguna fiican

Adiga iyo lacnada malaa,igta ayaan isaga kiin baqayaaaa

Mar walboon kuu baahdo kuguna yeero firaashka iima dhaga nugulid waxaan kaa dareemaa inaadan nafsad ii haynin sooma ogid xaaskaygi aan jeclaayey in xaqeyaga ugu weyn uu yahay Mucaasharada. sow ma ogid dhibka ka imaan kara diidmadaada . hadaan kugu soo qaado inan xaqayga hadaa diido aan si kale oo sharci ah ku doonanaayo waad aragtaa saaa noqoto miyeysan xaqeyga ahayn inan guursado si aan isku dhowro una dhowrsanado ma jecli laakiin waad igu qasbaysaaa markaa ii diday bahidaydii aan xaqa u lahaaa ciririna i galisay miyanan xaq u lahayn inaan,,,, , inaaan ,,,,,, ha igu qasbin ma jecli niyadana iigama jirti,,,,,,

Guryuhu waxay leeyihiin Asraar. Asraartaasoo hadii bananka loo soo saaro guryo badan dumisa degnanshana u diida imisaan ku iri kuna xususiyay gurigeena iyo dhexdeena waxa ka dhaca marna maaha inuu albaabka dhaafo , waxaan arkaa islaantii ku soo booqataba inay ka war hayso Dhamaan waxa gurigena ka dhaca , waxaan cuno hadaan is khliaafsanahay, wax walba weyn iyo yarba ,

Waxaan rajynayaa Sowjatii qaaliyah inaa i fahantay darentayna waxaan ku dhex jiro waxaana rajynayaa inaan kaa arki doono wanaag oo dhan una qaaado qalbi ku jecel oo kula raba wanaag aduun iyo mid aakhiro inuu kuu soo hibeyay qoraalkaan yar ee aan kaga cabanayay kuguna baraarujinayay , iiga qaado naseexo ha iiga qaaadan canaan iyo inan ceebahaga raacraacayo , Maya marna sidaa haku fekerin , hadaaanan ku jeclayn waxba kuuma sheegeen ee intaan iska aamuso aayaan howlahayga kale iska qabsan lahaa inaa i fahantaan filyaaaa , caqliga badan waan kugu ogaa waa waxaan kugu doortayba , laakin baryahaan waan ku qoonsadee ogow ogow ogow , oo i garo Qaaliyeeey.



______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved