Kal Fadhigii Labaad Barlamaanka Federaalka Oo Maanta Ka Bilaabanaya Muqdisho.

Saturday 2 March 20130 comments


Waxaa lagu Wadaa in Maanta Magaalada Muqdisho uu ka bilowdo Kal fadhigii Labaad Kulankiisa koowaad ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ka gadaal markii ay ka soo laabteen Fasax Laba Bilood ah.

Fadhiga oo iminka qaban qaabadiisu ay ka socoto Xarunta Dugsiga sare ee Boliiska ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay xildhibaanada War Bixin uga dhagaysan doonaan Madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.


Madaxweynaha ayaa Barlamaanka u Sharaxi doona Safaradii kala duwanaa ee uu ku soo kala bixiyay Wadamada Dibadda iyo heshiisyadii uu la soo galay Wadamadaas iyo Safarkiisii ugu danbeeyay ee uu ku tegay Dalka Maraykanka iyo aqoonsigii Maraykanku siiyay Soomaaliya.


Shirka ayaa sidoo kale inta uu furitaanka ku jiro waxaa sidoo kale War Bixin uu ka dhagaysan doonaa Guddoomiyaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Jawaari oo isaguna safao ku tegay dalal Geeska Afrika ku yaala.


Qaybaha danbe ee Kal fadhiga ayaa iyaguna waxaa war bixino looga dhagaysan doonaa Xildhibanaada Barlamaanka Federalka Soomaaliya oo iyaguna booqday Gobolada dalka iyo Dalka dibaddaiisa kuwaasoo ka war bixin doonaa waxyaabaihii ay ku soo arkeen Goboladii ay booqdeen.


Fadhiga barlamaanka ayaa intaas wixii ka danbeeya waxa uu guda gali doonaa ajandhayaasha hor yaala oo ay ka mid yihiin Heshiisyadii Xukuumaddu gashay iyo wixii soo raaca taasoo Barlamaanka Soomaaliya laga doonayo inuu meel mariyo.


Wixii warar ah ee ku soo kordha Kulanka barlamaanka maanta uga Furmaya magaalada Muqdisho waxaad kaga bogan doontaan wararkayaga danbe.


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved