Haddi Aad Sidaan Sameyso Waa Hubaal In Aad Guuleeysanayso

Thursday 7 March 20130 comments


Hadii aad ku jirto maalmaha ugu horeeya xariirkaada jaceylka waxaa haboon in aad qaadato talooyinkaan hablaha oo kugu hagaya wadada toosan ee xariirkaada .


Eeg dabeecadihiisa : il gaar ah u yeelo waxa dhibaya iyo waxa uu ka helo , una sheeg dabeecadahaada .

Haka Tagin Noloshaadii Qaaska Kuu Aheyd : Qaladaadka gaar ahan haweenka ka dhaca xiliga bilaawga xariirka ayaa ah in ay iska iloowaan noloshooda gaarka ah , asxaabtooda haweenka ah , iyo wax yaabihi balwada u ahaa ee ay ka heli jireen .


Ha Deg Degin : Ha buun buunin jaceylka , oo taxadar u yeelo xiliga aad u bandhigeyso in aadan ka maarmin jaceylkiisa/jaceylkeeda.


Iska Ilaaw Saaxibkaadii /Saaxibadii Hore : Ku Daadal in aad qalbigaada ka saarto saaxibkaada hore , hana soo xasuusan waxii aad la soo martay , hana isu bar bar dhigan saaxibkaada haatan iyo kuwii hore , hadii sidaa sameyso waxa ay tusineysaa in xariirkaadii hore weli aadan iloowin .

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved