Gabar Qaaday tartanka Quruxa, Dabeed Latoogtay Ayadoo Hub Iyo Darooga Dhoofinaysa+(Vedio)

Sunday 3 March 20130 comments

Hadal heeynta ugu badan Telefishinada Caalamka ayaa noqotay mid ka mid ah Gabdhaha ama inamada ku guuleeystay dhanka Quruxda oo la toogtay ka dib markii ay ka mid noqotay guruub Helikobtaro lagu weeraray iyaga oo dhoofinaya Hub iyo Daroogo sharci daro ah.


Miss Sinaloa Susana Flores Gamez waa 22 jir u dhalatay dalka Mexico horayna ugu soo guuleeystay bishii Febraayo ee sanadkaan dhanka tartanka Quruxda dumarka dalka Mexico waxaana Haweeneeydaan iminka waalay oo kooxo dhoofiya Daroogada iyo hubka ku daray Wiil ay saaxiib ahaayeen in mudo ah. 

Ciidamada Milatariga dalka Mexiko oo wata Diyaaradaha Helikobtarada iyo Gawaari gaashaaman ayaa weerer qorsheeysan waxa ay ku qaadeen Kooxo ka ganacsada Hubka iyo Daroogada dalka Mexico oo ku sugnaa magaalada Sinaloa. 

Kooxdii la soo weeraray oo si weeyn iskaga difaacday ciidamadii Milatariga ahaa ayaa 7-saacadood in ka badan waxaa socotay Rasaastii ay is dhaafsanayeen labada dhinac waxaana ugu dambeeyntii 5 ka mid ah meeydkii la laayay ee Maafiyada Daroogada iyo Hubka laga dhex helay Susana Flores Gamez oo ah Haweeneey qaaday dhanka Quruxda dalka Mexico wuxuuna kiiskaan guud ahaan ka yaabsaday shacabka dalka Mexico.

Halkaan ka Daawo Ceebta iyo Fadeexada qabsatay Haweeneydaan Quruxda qaaday & Dagaalkii dhacay


Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved