Fanaanka Caan Baxay Ahmed Rasta Ayaa Soo Saaray Heestii Mudo La Wada Sugayay Ee Ubaxii Caashaqa Muuqaalkeeda Ee Daawasho Wanaagsan.

Sunday 3 March 20130 comments

Fanaanka ay bulshadu ugu magac dareen Amiirka Codka waa Ahmed Rasta ayaa soo saaray hees muuqaalkeeda in badan la wada sugayay oo wadata muuqaal, iyo cod is wata waxaana heesta magaceedu yahay Ubaxii Caashaqa.
Ahmed Rasta oo heestan ugu tala galay ama u qaaday xaaskiisa uu jecelyahay Yasmin, waa hees ka duwan heesihii aan horey u maqli jirnay marka laga eego dhinacyo badan, ha ahaato ereyada iyo micnaha dhabta ah ee heesta loola jeedo iyo qofka ay ku socdaan ereyadan jacel, habka loo sameeyay muuqaalka iyo qaabka jilitaanka intaba waa mid aan dhihi karno laguma qasaarin soo raagideedii.
Abwaan Mohamud Burhan ayaa maskaxdiisa kasoo shiilay, halka uu isla Ahmed Rasta ka laxameeyay, waxaa musiga cajiibka ah saaray Legend Ahmed Salah Qasin iyo ugu danbeyn qaabka qurxoon ee aan ka dheehan karno heestan waxaa sameeyay oo shaqo iyo maskax geliyay Ahmed Ugaaska oo aan runtii ka wada dharagsanahay heerka uu ka gaaray farsameynta muuqaalada casriga ah.
Hadaba hadal badani haan ma buuxiyo ayey Soomaalidu ku maahmaahdaa ee aan fursad idiin siino inaad daawataan heesta UBAXII CAASHAQA iyo Alfanaan Ahmed Rasta.

_____________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved