
“Haa Waan ogahay Raga Manaxayaasha ah in sidaan ay u Dhaqmaan, Maxaa Yeelay Waxa ay Nagu Duleystaan ereyada ay ka mid ka yihin waan ku Jeclahay, kaama Maarmo, La,aanta nolosha wax qiima ah malahan” Waxa erayadani ay Afkeeda kaso Baxayeen Mid kamid ah Gabdhaha ku sugan Gudaha Dalka Soomaliya oo Magaceede ku sheegtay Amran Bataash Taasoo Wiil Xiriir Kala Dhaxeyay uu uu ku yiri Meher Hoose aan Kula Galo, Balse Markii ay Ka Diiday uu Xiriirka u Jaray.
Amran Bataash oo ah 18 a jir ardayad ah ayaa aad ugu Deyrisay Dhalinyarada Soo Koreysa ee asaageed ah, Sababa Dhowr ah ayeeyna hablaha.com soo Hor Dhigtay oo ay Ka Mid Yihiin.
line-height: 150%;">=Raga Qaar Waxa ay Jecel Yihiin in Beer Jileec Kula soo Galaan Oo Marka ay Bananka kugu mehersadaan Hadaad Ka Ogolaata ay Hadana Banaanka kugu furaan Sida Marar Badanba Dhacday.
=Sidoo Kale Raga Qaar Waxa ay Jecel Yihiin In dumarka kayar 20 Jirka Ugu Ciyaaran Sida Kubada oo Kale, oo Hadba Meesha ay doonaan u Laadan, iyo Waliba Kuwa Jecel in Gabdhaha ay Jecel Been ah La Jilaan, marka ay Maskaxda Ka Xadaana Meel cidla ah ugu Tagaan.
Amran Bataash iyada oo sii Hadlaysa waxa ay tiri:- ” Intaas Iyo In Ka Badanba Ragga Soomaliyeed Waan Kala Kulanaa, Mana aha Kuwa noo Naxa Marka Qalbigeena uu Raaco.
Hadda Aniga Wiil Baa Xiriir Naga Dhexeyay Markaan Meher Qarsoodi ah oo uu Iga Dalbaday aan Ka Diidayna, Waa uu Iga Dhaqaajiyay oo Dhabarka ayuu i aadiyay, Hadaba wiilkaas Maxaan ku tilmaami karaa Ma Mustaqbal Doon buu aha, Jawaabta aqristayaasha ayan Ka sugaya.
GabaGabadii Raga Manaxayaasha ayaa jecel in ay Shabaqooda kusoo Ridaan iyaga oo Qalbiga Ka Xadaya Gabdhaha Kayar Labaatan jirka ee aan maankooda Buuxin, iyaga oo u sheega in wax walba oo ay Jecel yihiin in ay Usameynayaan, taasoo ah Balan qaad aaqirkii Fashil Ku Dhamaada,Hadaba Qubarada hablaha Ka Howl Gasha ayaa Digniina siinaya Dhalinyaradan Caadeysatay Lugooyda Dumarka, Waxaana Lenahay Ragow Ogaada Dumar Waa idinla Dhasheen Waa Idin Dhaleen Waana Idin dhaxeen, ee Sidaa Haloo Dhaama.
Post a Comment