Wefdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha oo Kismaayo u baxay

Monday 25 February 20130 comments

Wasiirka Arrimaha gudaha Cabdikarim Xuseen Gulled

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhoofey wefdi uu hoggaaminaayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdikariim Xuseen Guuleed.



Wasiirka waxaa safarkiisa ku weheliyey qaar kamid ah golaha wasiirada xildhibaano iyo siyaasiyiin kale. Wasiirka ayaan wax war ah ku siin saxaafadda markii uu ka duulayey garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Ujeedada safarka ayaa la sheegayaa in ay tahay in guddiga kumeelgarka ah ee Jubadda Hoose ku qanciyo in ay Muqdisho u yimaadaan shir wadatashi, kaas oo lagu casumey, dhamaan guddiga qaban-qaabada maamul u samaynta Jubbooyinka, waxaana shirkaasi la sheegay in uu furmayo maalinta berri ah 26/2/2013, waxaana ku dhawaaqey shirkaas Wasiirka kowaad Cabdi Faarax Shirdoon.


Dhanka kale Guddiga qaban-qaabada maamulka Jubbaland, ayaa horey dowladda ugu casumey in ay ka soo qaybgalaan shirka maamul u samaynta isla markaana guddoomiyaan, taas oo dwoladdu sheegtay in aysan waxba ka jirin. Shirkii maamul u samaynta Jubbooyinka ee lagu wadey 23.02.2013 in uu ka furmo Kismaayo ayaa baaqdey, sababta baaqashadana waxaa lagu sheegay mowqifka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ka taagan tahay shirkaas.


Dhanka kale warar Hablaha Media Network heshey ayaa sheegaya in wefuud kale oo ka socota Midowga Africa iyo urur Goboleedka IGAD ay iyaguna isla maanta tageen magaalada Kismaayo ee xarunta Jubada hoose si ay qayb uga noqdfaan wada tashiga la filaayo in uu maanta ka dhaco magaaladfa Kismaayo.


Khilaafka maamul u samaynta Jubbooyinka ayaa soo taxnaa tan iyo markii al-Shabaab laga saarey Kismaayo, dowladda ayaa dooneysa in iyadu maamul kumeelgaar ah u magacawdo Jubada Hoose ee aan la samayn dowlad goboleed ka kooban saddex gobol, sida qaar kamid ah madaxda federaalku ka sheegeen goobo aan qarsoodi ahayn, waxaana khilaafka dhankooda ka darsadey odoyaashii ka tirsanaan jirey ururkii USC oo ku doodaya in talo laga weydiiyo maamul u samaynta Jubbooyinka waxaana ay taas u isticmaaleen saxaafadda ka hawlgasha Muqdisho iyo weliba qaar kale oo heer caalami ah.


Booqashada wefdiga wasiirka ayaa imaaneysa iyada oo malayshiyaad ku sugan Kismaayo ay weerar ku qaadeen laba maalmood ka hor Saldhiga Booliska ee Kismaayo iyaga oo sheegaya in ay kala baxayaan nin loo xirey in uu ku lug-lee yahay falalka al-Shabaab ka fuliso Kismaayo.


Lama oga in Ergooyinka iyo guddiga qaban-qaabado ay yeelayaan shirka lagu tilmaamey wadatashiga ee uu ku dhawaaqey raysalwasaare Saacid ee maalinta Salaasada ee berri loo muddeeyay.





______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved