Weerar ka dhacay magaalada Gaarisa oo keenay dhimasho iyo dhaawac

Thursday 7 February 20130 comments




Koox hubeysan ayaa weerar ku qaaday laba nin oo maraayey bartamaha magaalada Gaarisa duhurnimadii manta (Khamiis), waxaana aisla meeshii ku dhintey mid kamid ah labadii nin ee la weeraray halka kii kalena hadda xaaladiisa lagula tacaalayo isbitaalka magaalada.
Halka weerarku ka dhacay ayaa ah faras magaalaha Gaarisa ee ay ku yaalaan goobaha ganacsiga iyo Bangiyada magaalada.
Labada nin ee wererarka loo geystey ayaa mid kamid ahaa nin Soomaali ah oo ka baxay diinta Islaamka oo qaatey Diinta Masiixiyadda waxa uu ahaa nin caan ka ah magaalada Gaarisa, halka ninka kalena uu ahaa nin Soomaali ah oo ka yimid Gobolada kale ee Kenya, waxaana isla goobtaas ku dhintey ninka diinta Islaamka ka baxay ee magaalada caanka ka ahaa lana aaminsan yahay in isagu ahaa bartilmaameedka kooxdii fulisey dilka.
Ciidamada amaanka ayaa goobtaas soo gaarey, waxaana ay xireen waddooyinka, sidoo kale waxaa istaagey dhamaan ganacsiga, waxaa la xiray dukaamadda iyo Hoteelada, waxaana socda baaritaan ku aadan weerarkan.
Magaalada Gaarisa waxaa ku soo badanaya weerarada caynkan oo kale ah, ma jirto cid sheegatey ama laamaha amnigu u qabteen.
Tan iyo markii dowladda Kenya ay gudaha u gashey Koonfurta Soomaaliya sanadkii 2011 dagaalna la gashey dhaq-dhaqaaqa al-Shabaab waxaa soo badanaya weerarada iyo dilalka ka dhacay gudaha Kenya.
Hablaha  Media Network



______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved