Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Fowziyo Yuusuf Ayaa Boorso Looga Xaday Hotelka Grand ee Brussels ( Daawo )

Saturday 2 February 20130 comments




Wasiirka arrimaha dibada Somalia ahna Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan oo ka mid ah wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga magaalada Brussels ayaa laga xaday boorso nooca garabka lagu qaato ee xarakada ah isla markaana lagu xafido documentiyada iyo alaabaha yaryar.



Lama oga cida sida rasmiga ah u xaday, laakiin Security-ga hotelka ayaa ku guul dareystay in ay helaan boorsada iyo ciddii xaday in la helo, iyadoo Kaamirooyinka Hotelka baaris lagu sameeyay laga arki waayay cidda qaadatay boorsada.



Wasiiradda ayaa Warfaafiye u sheegtay in boorsada ay ugu jireen documenty muhiim ah iyo sharcigeeda dhalashada dalka Britain, taasoo keentay in ciidamada Booliska ay soo farageliyaan maadaama ay ka mid tahay wafdiga Madaxweynaha oo la filayo in ay booqdaan Londan, lana siiyay documenty muujinaya in sharcigeeda uu ugu
dhumay hotelka ay ka deganeyd Brussels.fowsiya-yusuf.


Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in boorsada ka luntay Wasiirad Fowziyo ay ugu jireen documentiyo muhiim ah oo muujinayay ujeedada socdaalka iyo heshiisyo ay wada galeen midowga yurub, laakiin wasiiradda ma aysan sheegin arintaasi.



Jahawareer ay ka qaatay Wasiirada boorasada ka luntay ayaa keentay in ay ka qeybgeli weydo xaflad ballaaran oo Jaaliyadda Soomaalida ee ka kala yimid Biljamka iyo Holland Madaxweynaha kula hadlayay.



______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved