Tarzan oo ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqay in Maalinta Jimcada Shaqeestaan (Muxuu ku sababeeyay?)

Saturday 2 February 20130 comments




Gudoomiyha gobalka Banaadir, ahna duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarzan) ayaa waxa uu ugu baaqay ganacsadata Soomaaliyeed in ay ganacsigooda albaabada u furaan Jimcaha si looga dukaameesto.

Waxa uu sheegay gudoomiyuhu in aysan diinta Islaamka xaaraam ku aheyn in lashaqeesto Jimcaha sidaa darteedna ganacsiga uusan hakad gelin.

“Ilaahey ma’uusan dhihin jimcaha yaan wax laqabsan. Inta ladukanayo salaada jimcaha hala xiro ganacsiga kadibna sida quraanka kucad halada dalbo fadliga Ilaahey oo hala ganacsado. In jimcaha laganacsado waxa ay wax u tareysaa ganacsadaha, dadka dukaameesta iyo dowlada intaba marka waa in ganacsatadu ay shaqeeyaan. Hadii ay lixda maalin oo kale ku daaleen waa in qof bedesha ganacsiga oo gacan yare u ah ay u soo diraan. Reer galbeedkuba Axada maalin ay ka qadariyaan majirto ganacsina uma hakiyaan”. Tazan ayaa yiri.

Waxaa kale oo uu sheegay in ay muhiim tahay in ganacsatadu ay lasocdaan sarifka oo isbed bedelaya oo ay suuragal tahay iyga oo jimceysana in wax badan iska bedelaan oo qasaare kasoo gaaro iyaga oo iska jiifa hadii aysan lasocan saacd saacad.

Dhanka kale waxa uu dowlada ugu baaqay in si deg deg ah ay dalka lacag Shilin Soomaali ah kukeento maadaama uu dhamaday Shiln Soomaaligii oo hada waxa kor u qaadaya qiimihiisa iyo ascaartaba uu yahay Shilin Soomaaliga oo dalka kasii dhamaanaya.

Si kastaba ganacsatada Soomaaliyeeed ayaa waxa ay caadeesteen in aysan jimcaha Shaqeyn iyada oo aysan jirin cid ku boorisay nasashada jimcaha inkasta oo ay laqabsadeen fasaxyada Iskuulaadka iyo dugsiyada Qur’aanka.



______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved