Sodohdaada Qaati Ma Ka Taagan Tahay ? Hab Qatar Ah Oo Aad Uga Taqalusi Karto Ayaan Ku Haynaa.

Friday 8 February 20130 comments




Ma ku wareertay sodohdaada oo qaati ma ka taagan tahay xariirkaaga qoys oo qarka ma u saaran yahay in darteed uu u bur buro ? ha niyad wadooyin sahal ah ayaan ku haynaa ee qaado talaadaan.

1- Ninkaada Jaceyl kula dhaqan : wadadaan waa midda ugu sahalsan ee aad ku farxad gilin karto qoyska ninkaada , maxaa ka macaan in qoykiisa ogaadaan in wiilkooda la jecel yahay .

2- Waligaa garabkiisa ahaaw : waligaa ninkaada hakula mur min qoyskiisa hortiisa gaar ahaan labadiisa waalid , wax waliba oo aad doneyso in ninkaada kala doodo ehelka hortooda iska ilaali , oo xita hadaad u careysan tahay qoykiisa hortiisa dhoolacadeyn been saaxib ka dhigo.

3- La xariir ka or inta aysan kula soo xariirin : tani waa talaabo xoogan oo aad qalbiga sodogaaga /sodohaada ku qabsan kartid ha iloobin in salaanta gaarsiiso .

4- Ka dalbo talooyinkooda : xitaa hadaan talooyinkaas dhab ahaan u qaadaneyn oo maraka qaar weydii

in ay dareemayaan farxad maxaa yeelay weli wiilkooda saameyn ayay ku leeyihiin noloshiisa.

5- Xariifad noqo : hadii sodohdaada oo kula joogta ama dumaashidaada oo marka aad wada cunteysaan u istaagaan in saxamada ay dhaqaan haka yeelin oo qab xariifnimo ah wax kale u dhib yar ku mashquuli tusaale qabashada caruurta ama xitaa in shaah yar qac ka soo siiyaan.

6- Hadii uu jiro is faham la`aan isku day in si degan xaaladda ku daaweyso , waligaa ka fogoow in sheeko dheer aad la wadaagto, xasuunoow kulamaa sheekadada ay badato waxaa sii kordhineysaa in noloshaada wax badan ka ogaadaan , reer magaalnimo sheekada u soo koob.

7- Dhag Jalaq ha siin eedeymaha kaaga imaanaya dhinacooda (sodogaaga iyo sodohdaada) ogaawo hablaha.com waxa ay kuu sheegeysaa in ay ku daan-daasanayaan ee iska iloow waxa kaaga imaanaya dhankopoda oo maskax adeegso mar waliba .



______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved