Sir Ku Socoto Dumarka: Sidee Ku Ogaan Kartaa In Ninkaada Kula Qabo Xaas Qudbo Siro Ah

Saturday 9 February 20130 comments



Inta Badan Dumarka Soomaalida waxaa daah ka saaran ama ka qorsoon astaamaha ay ku garan karaan in nimankooda ay xaasas kale hoos ka wataan, ninkaaga in aad ogaato in uu xaas leeyahay ama uu kula xiiseeyo qof kale dumar ah way fudutahay in aad ogaato, hadaba daaha waxaan ka qaadi doonaa wax yaabaha kuu ifin doona astaamahaas kaa qorsaan ama aad awal shaki kaaga jiray.

1. Ninkaaga oo ka caajisa gogosha (Galmada).

Waa astaanta ugu wayn ee lagu garto in ninkaaga uu ka caajiso dhanka gogosha, waxay marqaati cad ka tahay in ninkaaga uu meeleesan yahay ama uu meel kale wax ka soo dhadhamiyay, inta badan nimankan waxaa lagu gartaa in ay dhaqsi sariirta ku aruuraan iyago ku andacowda in ay daalan yihiin, waxaana is badal wayn ku imaado hab qaabeedkii uu damci jiray naagtiisa.

2. Teleefonkiisa gacanka (Mobile) uu kaa ilaal sho in aad aqriso ama aad aragto oo waa durba waa mid damiya intuusan gudaha soo galin

Waa astaan labaad ee lagu garto in ninkaaga uu xiriir la leeyahay qof kale, inta badan teleefoonkiisa gacanta ayuu ku heestaa iska ma dhigo, wuxuuna ka ilaalshaa in la ogaado SMS yada usoo dhaca ama in ay soo wacato qofkii isaga xiriirka la laheed,
wuxuu bilaabaa in uu tirtiro massage yada loo soo diro, inta badan teleefoonada markii ay u soo dhacaan ama banaanka ayuu ula baxaa ama wuxuu ku dhahaa qofka igu soo celi waan mashquulsanahay wuxuu ka dheeraanaa hadii uu la hadlo su’aalo kaga imaada xagga xaaskiisa, markii la waydiiyo qofka soo wacay inta badan ma qiro madaxa ayuu darbiyada ku garaacaa mar marka qaarne wuxuu dhahaa waa saaxiibkeyga xaaskiisa ama dadkale ayuu dusha ka fuulaaa.

3.Ninkaaga oo ka hadla arima qof kale oo aan meesha oolin xilyadaasi

Inkastoo adagtahay ragga qaar in ay ka hor sheegaan xaasaskooda hortooda amaan ama ka hadal qof kale, laakiin inta badan way dhacdaa ragga ismacelin karaan markii loo fiirsho arintaan waxaad ugu dheereeyo qarinta arinkaan haweynka, badanaa ninka wuxuu afka ku soo celcelshaa waa qof wanaagsan, waa gabar maashaAllah, iyo mahadnaq badan uu u sameeyo qof dumar ah, taasne waxay marqaati ka tahay in ninkaaga uu sii gogol xaaranayo in uu qof kale helo, inta badan waxaa lagu macneeyaa waji sii sameesasho iyo soo jiidasho.

4. Waqti badan banaanka ku soo qaata iyo sacada fara badan oo horay aanan loogu baran.

Ragga u qorsaan xaas 2aad badanaa waxay la imaadan marmarsiyo aan kala har laheen, isaga oo ku an dacooda maanta waan soo daahaa shaqada ayaa igu badan, waxaa i casuumay dad aan macrifo nahay, waana taxno marmarsiyo aan kala har laheen, inta badan wuxuu waqtiga la qaataa qofka uu markaas kula qaba ama uu damacsanyahay, xiliga uu guriga ku soo laabto wuxuu u muuqdaa nin fuleynima ku jirto ama dhaga taag qaba, hadii uu bilaabo ninkaaga soo daahis aan awal lagu aqiiin taa waxay muu jineesaa in uu ninkaaga gacan labaad helay oo aadan meesha waxba ku heen.

Hadabada Astamahaas aaan soo sheegnay waxaa aay hordhac u yahiin Barnaamisyo badan oo ku saabsan arimaha qoysaska is qaba ee shakiga soo kala dhex gala oo aan halkaan ugu soo gudbin doona xal aay aay kaga kaaf toomi doonan walka walka iyo shikiga.

Hababada waxaa kale oo aan dhawaan idiin soo gdubin doona qeeb ila tali ah oo aad ugu Bogan doontaan macluumaad fara badan oo ku saabsan arimaha bulshada.



______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved