Shiikh Cabdulqaadir oo horey uga dar-daarmey dilkiisa ++ (Dhegayso)

Sunday 17 February 20130 comments

Dhabtuun baa khalqigu diidayaa meesha dheer tegaye
Dhulgariirka waa laga baqaa waayo soo dhaxaye
La dhex joogi mayo arlada dheelmashow qorane
Qofba wuxuu dhigtaa baa u yaal dhiilka aakhiro
Ninkii dhiiri sheegtow is furo waa dhanaan tahaye.

Hadraawi


Ninbaa waa yiri “Nin Adduunyo joogoow maxaa aragti kuu laaban”, Maalinkasta oo timaadaa shuqulkeeda iyo sha’nigeeda ayey leedahay ee maantana miyeey inoo danbeysey, xiddigii ifaayey miyaa dhulka ku soo dhacay magantii ilaah miyaan meelna ku baxsaneyn, Masjidkii ilaahey miyaa la mushkiladeeyey, dilka Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax ee masjidka dhexdiisa ka dhacay dhulgariir iyo cirkoo soo duma waa ka daran yahay.

Shiikh Cabduklqaadir waa la diley, waxaana la diley isaga oo Masjid ku dhex jira, iskama fadhiyini Salaadii Casar ku jira, Ilaahiis hortaagan, isaga oo rakcaddii u danbesyey taagan ayaa mid aan salaad ku jirin Masjidka ugu soo galey kaas oo kabihiisi xiran, lugahana boor kuleh waxaana uu Shiikha ka toogtey Jeegada isaga oo rukuuc ka soo kacay, dhiigiisi daahirka ahaa ku daadiyey Gurigii Ilaahey. Qofkasta oo malagu u sheego in uu dilaayo qaabkii uu dooran lahaa ayaa lagu diley, Dilka culimadu waxay u dhigantaa adiga ee Rasuul diley iyaga ayaa dhaxla Anbiyada iyo Nebiyada.

Shiikh Cabdulqaadir tan iyo maalintii uu dab ka leexday waxa uu ku gaboobey kana shaqeynaayey garab istaaga diinta Islaamka, Sida nebigu yiri qofkasta waxa uu ku dhinto ayaa lagu soo bixinayaa Aakhriro marka qiyaamadu dhacdo oo aadanaha banka lagu xisaabinayo la keeno.

Dilka Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax in uu dulmi iyo dhagar ahaa daah masaarna, kii dileyna daalin ahaa, kuwii soo maleegayna Mujirimiin ahaayeen, dilka Shiikhu saameyn kala duwan ayey leedahay mid ay dhici karto in ay si guud umadda u saameyso, si gaar ahna u saameyso kuwii diley Shiikha, sida Ilaahey qur’aankiisa ku yiri “Ka dhawrsada fitno (cadaab)aan ku dhacayn kuwii dulmiga geystey oo keliya”.

Shiikh Cabdulqaadir wuxuu ahaa nin geesi ah, deeqsi ah, dhiiran oo aan Ilaahiis mooyee qofkale ka baqin, markii iigu horeysey muqaalkiisa waxay ahayd 1990, marna igama dhumin, nin garmadow oo shaarcad iyo cimaamad cas garabaha u saaran tahay ayuu ahaa, waxaana uu Kitaab ka akhrinaayey Masjidkii la dhihi jirey Weheliye ee magaalada Muqdisho, markii warkiisa maqalkiisa iigu danbeyseyna Masjid Beder ee Garowe ayuu ku tukanayey oo mid habaarani ku dhex-dilay.

Wiilka loo qabtey dilka Shiikh Cabdulqaadir, waa wiil yar oo jaahil ah muqaal ahaan aan ka weyneyn 18 sano, maxaa isu keenay isaga iyo shiikha 70 sano kor u dhaafey 50sano faafinaayey diinta Islaamka, waa hubaal wax gaar ah isuma keenin isaga iyo Shiikha, waxaana daahsaarneyn in wiilka loo soo direy Shiikha, isla markaana uu ahaa nin maskaxda laga soo dhaqey,Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax ayaa horey u sheegay in isagu uu ku jiro liiska Culimada in la dilo loo qoray isagoo taas ka shidaal qaadanayana uu ehelkiisa u dar daarmay, da’diisa oo 70jir ahna xiligan uusan geerida ka cabsi qabin, lagana yaabo in hadii gacan ka xaq darani ay disho uu ilaahey sidaas Shahaado ku siiyo.

Amiirkii Islaamka Cumar Ibnu Khataab (Radiyalaahu canhu) ayaa u horeeyey qof Masjid dhexdiis lagu dilo isaga oo tukanaya, oo ku jira Salaadii Subax waxaa diley Majuusi la yiraahdu Abuu Lulu Majuus, waxaana uu ku dhuftey saddex Mindiyood, Saxaabadii waxay isku dayeen in ay qabtaan ninkii diley Amiirka laakiin kii u soo dhawaadaba mindi ayuu gashey, Xalay iyo maanta maxaa isaga eg marka la eego qaabka loo diley Shiikh Cabdulqaadir.

Rabbi Shahaadadii uu dalbadey haka aqbalo shiikha Umadda Soomaaliyeedna samir iyo iimaan haka siiyo, Dilka Shiikha iyo cidkasta oo soo maleegtey waa soo baxaayaan, Aakhirona nin iyo kitaabkiisa.

Codkan waxaa Shiikha laga duubey 07/12/2011




______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved