Saraakiil iyo Ciidamo S/African ah oo Maxkamad lala tiigsanayo kadib markii Sabab u noqdeen in Soomaali la boobo

Monday 4 February 20130 comments



Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaalida Ee Koofur Afrika Cabdiraxmaan raabo Oo Suxufiyiinta Kula Hadlay Magalada Johannesburg Aya Waxa Uu Si Kulul Ugu Hadlay Boob Dhawaan Loo Geysatay Dukaama Ay Ganacsato Soomaali Lahaayeen Oo Ku Yaala Degaanka Kwanabulthle Ee Hoos Taga Magalada Port Elizabeth Gobolka Easern Cape Ee Dalka Koofur Afrika

Cabdiraxmaan Raabi Gudoomiyaha Jaaliyada K/afrika Ee Somali Association Of south Africa (SASA) Ayaa Eed Kulul Dusha Ugu Tuuray Ciidamada Police-ka Iyo Imigartionka Ee Magalada Untenhage Kadib Markii Howlgal Aan Sharciga Waafaqsaneyn Ay Police-ka Ku Qab Qabteen Shaqalaha Dukamaha La Bobabay Iyo Milkiilayasha Iyago Ku Qasbay In Dukamaha Oo Cidla Ay Ka Watan Kadibne Ay Dadka Degaanka Usuura Gashay Inay Boobaan Ku Dhawad 20 Dukaan Oo Soomaali Oo Kali Lahayen

Waxa Uu Sheegay Cabdiraxmaan Raabi In Marna Aysan U Dul Qaadan Doonin Waxyaabaha Ay Police-ka Ku Dhaqmayaan Islamarkaane Ay Maxkamad La Tiigsan Doonaan Saraakiishii Iyo Police-ka Ka Danbeyay In La Boobo Hantida Dukaamaha Soomaalida Koofur Africa Gaar Ahaan Kuwii Dhawaan Lagu Boobay Tuulada Kwanabulthle Ee Gobolka Eastern Cape.

Si Kastaba Hadalka Gudoomiyaha Soomaalida Koofur Afrika Cabdiraxmaan Raabi Ayaa Muujinaya In Police-ka Ay Sameyn Weyn Ku Leeyihiin Dhibatada Lagu Hayo Soomaalida Ku Nool Koofur Afrika Waxana Inta Badan Marka Ay Burcada Dhibka U Geysanayaan Soomaalida Ay Wacaan Police-ka Taasi Oo Kenta In Numberka Egeny-ga Ah Ee Gar Gaarka Lagu Weydisto Soomaalida Marka Ay Qof Dhibata Haysato Oo Ay Police-ka Ogadaan Soomaali Inay Tahay Kama Ay Jawaabaan Telefonka Waxaana Taasi Ay Muujineysa In Lug Weyn Ay Dowlada Koofur Afrika Ku Leedahay Boobka Lagu Hayo Gnacsiga Soomaalida Koofur Afrika


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved