Sadax Qof Oo Muwaadinin Soomaaliyeed Ah Oo Siyaabo Kala Duwan Loogu Dilay Magalada Cape Town

Tuesday 12 February 20130 comments



48-kii Saac Ee Lasoo Dhaafay ayaa waxaaa Tuulooyin Ka Hoos Yimaada Magaalada Cape Town ee Wadanka South Africa Siyaaboooyin Kala Duwan Dilal Loogu Geystay Ilaa iyo Saddax Ganacasde ah oo Goobo Ganacsiga Ku Halkaaasi Xilli ay Soo Weerareen Kooxo Burcad South African ah.


Weerarkii Ugu Horeeyay Ayaa Kooxaha Burcada ah Waxay Ku Qadeen Dukaan Ganacsi oo Ku Yaala Xaafada Wesbanka oo Hoos Timaada Magaalada Cape Town Waxaana Ay Ku Dileen Mid Ka Mid ah Dhalinayaro Soomaali ah Oo Halkaa Ka Shaqeeynayay

Sido Kale Weerar Kaa La Mid ah oo Kooxo ah ay Ku Qaadeen Goobo Ganacsi oo Ku Yaala Xaafada Kuguleeto iyo Mufuleeni ay Ku Dileen Labo Ganacsade oo Soomaali ah Mana Jirto Wax Dhac ah oo ay u Geysteen Dukaamada ay Weerareen.


Kooxaha Burcada ah ee Falkaa Geystay ayaa Isaga Baxsaday Halka ay Dhibaatooyinka Ka Dhacen Waxaaana Gaaray Ciidamada Police-ka ee Magaalada Cape Town Waxaana ay Sheegeen In Halkaa ay Ka Sameyn Doonaan Baritaano La Xariira Sidii ay Gacanta Ugu Dhigi Lahaayeen Cidii Ka Dambeysay Dilalkaa Kala Duwan ee Loo Geystay Muwaadiniinta soomaali ah Wallow Taa ay Rajo Fog Ka Muujiyeen.


Alle Ha u Naxariistee Muwaadiniinta La Toogtay ayaa Lagu Aasay Qabuuraah Muslimiinta EE Magalada CAPE TOWN Waxaana Aaska Marxuumniinta Ka Qeyb Galay Soomaali aad u Fara Badan Kuwaa Ka Tiiraayeysnaa Falalka Naxdinta Badan ee Lagu dilay Ganacsatada Soomaalida ah.


Dilalka Loo Geysanaya Soomaalida Koofur Afrika Ayaa Dib U Bilowday Sanadkan Iyado Tirada Sanadkan La Dilay Ay Haatan Gaarayaan Ilaa 7 Ruun Oo Lix Kamid Ah Magalada Cpe Town Lagu Dilay






______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved