Qarax Qasaaro Xoogan uu kasoo gaaray Askar katirsan Ciidanka Dowlada iyo Dad Shacab ah oo ka dhacay Suuqa Bakaaraha

Tuesday 19 February 20130 comments



Wararka aan ka heleyno Suuqa Bakaaraha gaar ahaan Qeybta lagu iibniyo Qudaarta ayaa sheegaya in Maanta qarax Bambaano lagu weeraray Askar katirsan Ciidanka Dowlada Soomaaliya oo kusugnaa Gudaha Suuqaasi.


Goob joogayaal Suuqa ku sugnaa ayaa Warbaahinta u sheegay in Qarxaaasi uu sababay Geerida ilaa 3-qof oo la sheegay in ee katirsanaayeen Askarta Dowlada Soomaaliya iyo tiro kale oo dhaawac ah ee dad rayid ah kujiraan.


Qaraxa kadib waxaa goobtaasi soo buux dhaafiyay Askar katirsan Ciidanka Dowlada oo halkaasi ganacsigii ka jiray Mudo daqiiqado ah hakad galiyay baaritaanana ka sameeyay inkastoo aan la ogeyn in ee dad kusoo qabteen iyo inn kale.



Qaraxyada loo adeegsado Bambaanooyinka gacanta lagu tuuro ayaa mudooyinkan dambe kusoo badanayay Gudaha Suuqa Bakaaraha iyadoona Todobaadkii aan soo dhaafnay sidan oo kale Qaraxyo Bambaano oo Waxyeelo kasoo gaaray Dnewsad shacab ah uu ka dhacay Gudaha Bakaaraha.


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved