Hadaad Qalbi Jilcan Tahay Ha Aqrin Dhacdadaan Jaceyl , Maymuun Ayaa Ka War Bixineysa.

Tuesday 19 February 20130 comments



Maymuun waa gabar somaliyed oo ku nool magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxa ayna qadka taleefanka kula soo xariirtay shabakada HMN iyada oo naga codsatay in aynu soo daabacno jaceyl ay kala kulantay ciqaab aad xoogan iyada oo gabdhaha somaliyed ka digeysa xariirka jaceyl ee facebook.-ka.


Maymuun waxa ay tiri waxaan wiil isku baranay qadka internetka gaar ahaan Facebook mudoo kooban oo aan ka sheegeysanay, iyadoo ugu dambeyntii aan waji ka waji isu hor fariisanay , balse kulankaas ka hor si xoogan ayuu iiga jilciyay qadka oo waxaan la kulmay aniga oo u humuun qaba .



Aniga oo si wacan aan u baran ayuu ii soo bandhigay guur xilli hadaladiisa macaan uu ugu qabsaday, waxaan u sheegay walaalkey waxa uuna igu yiri nin mudo kooban ka baratay qadka kuma wanaagsana guur waxa uuna u sheegay waalidkey kuwaasi oo igu dhahay waa wax laga xishoodo in nin noocaas qad laga bartay in ay kula soo shar tagto waan guursanayaa waana ka diideen.

Walaalkeey waa iga dhaadhicn waayay in jaceylka ka horeya guurka in uu been yahay , anna diidmadaas darteed waxaan qarka u saarmay in aan waaw la sii dhaho jaceylkiisa .



Waxaan go`aan ku gaaray in aan guursado maadaama qoyskeyga diideen taasina xalka kaliya ayay ii noqtay, waxaan ka soo huleelay labadeyda waalid iyaga oo leh waad ka shalaaneysaa , runtii hooyadeyna waa ay ilmeyneysay .



Waxaan diyaarsaday dhamaan dhargeykeyga waxaan u baxay walaalkey iga weyn oo xiligaas qilaaf kaga maqnaa gurigeena xaaslana ahaa oo naagtaas dateed isugu dhaceen, dhamaan qisadeyda ayaan u sheegay , xilli weli dhagaheyga ka sii shanqareyso hadalkii hooyadey ee ahaa hadaad baxdo oo aad soo guursato ninkaas in aadan ku soo laaban gurigaan .



Alla maxaa ka waali badan jaceylka qiyaaliga ee indho la`aanta ah , waxa uuna walaalkey ii sheegay in isaga uu ii yahay hooyo iyo aabo iyo waliba walaal , yaan war idinku dheereyn arinta waxaa kala tuuray walaalkeyga oo kaliya walalkeyga iyo dhowr qof oo qoyska ninkaas ah ayaa la socday guurkaasi gaaba-gaabeyga ah.



Alle Xanuun hadda ayuu bilaawday farxad iska daayee xittaa hadii kun sano ay la sii noolaato farxada kama heleyso waxa ay Maymuun ka war heshay …



Maalmo ka dib waxa ay ka war heshay in ninkaas uu aad ugu waalan yahay maandoorayaasha , xanuun badanaa waxa ay si sahal ah ku soo xasuusatay warkii walaalkeedii waalidka la joogay ee ahaa sidii ku guursaneysaa qof aadan si wacan u baran , durbo bahdlid iyo ciqaab ayuu igu bilaabay , aaway hadaladii macaanaa ee facebook .



Habeeno badan ayaan ilmeeyay ninkii facebook iga soo dhex qabtay ee hadalada macaan igu soo sixray waa kan daroogada cunaya naagana guriga kula tumanaya bilaa xishood horteeyda , balse maalmo ka dib waxaan ka codsaday in uu furo , waxa uu yiri dhib malaha balse waxa uu iga codsday hal arin .....

.

Waxa uu iga codsaday in aan u raaco safar xoogaa fikirka iyo mushkiladda isaga soo yareeynayo oo Mombaso aadno, waan is raacnay balse nasiib xumadeyda shabaqa dooragada ayaan ku dhacay oo waxaa na qabtay booliska ka dib markii daroogo lagu helay , waxa ayna labadeena nagu eedeeyeen in aan wada sidanay u dhowrkaas kiilo ee daroogada ah , waxaan xabsi ku qaatay 7 maalmood iyadoo intaas baaritaano socdeen, waana maalmihii iigu murugada badnaa nolosheyda .



Yaan war idinku daalin xaqiiqdii ayaa cadaatay , waxaana la i hor keenay isaga waxaan ka codsaday in uu i furo waa uuna yeelay halka isaga la xukumay .



Waxaan ka soo baxay saldhigii waxaan toos u soo soo aaday gurigii hooyadeey oo 3 bil ku dhawaad ka soo maqnaa, aniga oo ooynaya guriga galay waxaan si hal haleel ah ii xabad gilsiay hooyadeey iyada oo ooyneysa , halka aabo uu taagnaa meel aan naga fogeyn waa tan iyadoo ilinta si hal haleel ah uga timid , waan xabad giliyay waxaan ka codsaday in uu i cafiyo aniga oo ka qoomameynaya waxii aan sameeyay., waa waalid waxa ay ii sheegeen in ay cafiyaan balse ma aqaan sida dhab ahaan ay niyadoodu tahay .


Waxa aan qisadaan u soo bandhigay waxa ay tahay in ay tusaale u noqoto gabdhaha ku sheegeysta facebook si aysan ugu dhicin shabaqa rag xun oo aysan ku deg degin guurka Internet-ka.




______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved