Nin u dhashay Dalka Britain oo cabsi geliyey boqolaal arday Maraykan ah

Monday 11 February 20130 comments





Kumanaan arday Maraykan ah ayaa cabsi darteed maalmihii la soo dhaafay u tegi waayey Dugsiyo ku yaalla Warren County ee magaalladda Tennesse.

Cabsidaasi ayaa timid kadib, markii nin u dhashay dalka Britain uu Shabkadda Isku-xirka Bulshadda ee Facebook ku daabacay hanjabaad la xiriirtay inuu dilayo 200-arday.

Eedeysanahaasi oo lagu magacaabo Reece Elliott oo 24-jir ah ayaa la soo taagay Maxkamad ku taallo Koonfurta magaalladda Tyneside, iyadoo lagu soo oogay in carruur badan uu khatar geliyey noloshooda.

Garyaqaanka Eedeysanaha, oo lagu magacaabo Kevin Comble ayaa sheegay inuusan Eedeysanaha haysanin wax Passaport ah, iyadoo Eedeysanaha uu weli xiran yahay.

Bolis fara badan ayaa la dhigay Waddooyinka, si ay u sugaan ammaanka, iyadoo 2,800 arday cabsidaas darteed u tegi waayeen Fasalladda Waxbarashadda.


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved