Markii aan suuxay ayuu iga faa’ideestay ”Qisa Xanuun leh”. qeybta 1-aad

Monday 11 February 20130 comments



Ma ahan mid qoraal oo kaliya lagu soo koobi karo dhibaatada loo gaysto hablaha Soomaaliyeed waxaana marar badan dhacda in ay maraan dhibaatooyin adag oo aysan xamili Karin.

Qormadaan ayaa ah mid aan ku soo bandhigeeno qiso xanuun badan oo ku dhacay gabar Soomaaliyeed oo magaceeda ku soo koobtay Nasteexo waxa ayna dagantahay Magaalada Adis-ababa sida ay inoo sheegtay.

Sheekadu waa mid xasaasi ah waxay ka bilaabatay waddo dhexdeed markii aan si kadis ah isku baranay nin da’diisu u dhaxeyso qiyaas ahaan 28-35 oo magaciisa iigu sheegay Cabdi Xakiim wuxuuna sidoo kale ii sheegay inuu dhaqtar yahay, wuxuu igula muuqday nin akhyaar ah sida aan muuqaalkiisa ka gartay.

Lambarkayga ayuu igu qaatay kadibna si wanaagsan ayuu ii soo xariirin jiray waa hubaal inaan anigu guur doon ahaa balse wixii guur aan
ahayn ma jecleyn dhowr habeen ayuu gurigeyga igu yimid waxaana u martiqaadi jiray si wanaagsan.
Inkastoo muuqaalkiisu ahaa mid Akhyaareed hadana hadalkiisa iyo gacanta oo ka soo horreysa ayaan ahayn kuwa is leh,  wuxuuna dhowr jeer isku dayay oo uu iga codsaday inuu Ishumiyo ama jirkayga taabto taasna uma ogolaan jirin guurka ka hor waxaana u sheegay in guurka hortiisa arimaha yimaada aanan ogolayn.

Wuxuu ii balan qaaday inuu I guursan doono oo nolosheydana uu wax ka badali doono maadaama ay nolosheyda iska xumeed waxaana niyadda iska iri “ Haddaad heshay Ninkii Noloshaada wax ka badali lahaa”.
Siduu xirriirkeenu u dhisnaa hamigeyguna u raacay ninkaasi ayaa maalin wuxuu iga codsaday inaan ugu tago  gurigiisa si sharuud lahaan ah ayaan uga aqbalay sababtoo ah xumaan kuma aanan baran mana is dhaheynin wax ay niyaddaadu diidantahay ayuu sameenayaa.

Horay ayuu in badan ii dhihi jiray haddallo aan u malaynaayay kaftan oo dareenka qofka kicinaya, Wexeyna Niyadeyda Aqbali weysay inuu si dhab ah u sameen doono hase yeeshe sidaan filayay iyo sidey noqotay waa mid aan loo noqon doonin.

Markii la gaaray xilligii balanta ayaan si dhaqso ah uga soo baxay gurigii aan deganaa waxaan ka fikirayay sidaan ugu hagaagi lahaa gurigiisa halka uu iigu tilmaamay, gaari ayaan soo raacay 15 daqiiqo kadibna waxaan soo gaaray halka ay tilmaamto ahayd telefan ayaan ku garaacay waxaana u sheegay meesha aan taaganahay.

Wax yar markii aan taagnaa qiyaastii 5 daqiiqo kadib ayuu ii yimid waxaana isu raacnay hoygiisa oo aan islahaa martiqaad wacan buu kuu sameeyay, waxaan nimid guri si wayn loo xardhay oo quruxdiisa aad isleedahay haka dhex bixin.


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved