Nin Soomaali ah oo qaatay Diinta Kirishtaanka oo maanta la toogtay

Friday 8 February 20130 comments



Nin Soomaali ah oo magaciisa lagu soo gaabiyay C/Wali ayaa waxaa lagu toogtay Bartamaha Degmada Gaarisa ee Xaruunta Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.

Niman bistoolado ku hubeysan ayaa waxay ninkaan iyo nin kale oo Baadari ah ay ku dhex toogteen, gaari ay ku dhex jireyn oo yaalay Bartamaha Magaalada Garissa.

Raggaan ayaa waxaa la sheegay inay min dhawr xabadood ay la dhaceen labadaan nin, oo midka Baadariga ah uu yahay nin u dhashay dalka Kenya, balse aysan Jinsiyadiisu ahayn Soomaali.

Ninkii Soomaaliga ahaa ayaa waxaa la sheegay in uu weerarkaan uu ku dhintay, halka uu dhaawac daran ka soo gaaray ninkii Baadariga ahaa, isla-markaana Baadariga ayaa waxaa lagu daaweynayaa Isbitaalka Guud ee Garissa.

Ninka Soomaaliga ah ayaa wuxuu Diinta Islaamka uu ka baxay muddo sanado badan ah, isagoona dadka ugu yeeri jiray inay qaataan Diinta Masiixiga.

Ciidamada Booliska ee Dowladda Kenya ayaa waxay ku fashilmeyn inay gacanta ku soo dhigaan seddex nin, oo la sheegay inay iyagu ka dambeeyeen weerarka lagu dilay, laguna dhaawacay labadaan nin.





______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved